DAAWO SAWIR:Terry Oo Xiran Doona Maro Kabtan Oo Ay Ku Qoran Tahay Ereyo Ka Dhan Ah Cunsuriyada Kulanka UCL.
Kabtanka Chelsea John Terry ayaa la weydiisan doonaa inuu xirto maro kabtan oo ay ku qoran tahay hadalo ka dhan ah cunsurinimada hadii uu Chelsea u ciyaaro kulanka Champions League ee Skhakhtar Donestk.
Kooxda Blues ayaa wajaheysa kooxda reer Spain habeenka talaadada kulan ka tirsan Group E.
Terry oo haatan ku maqan ganaax afar kulan ah ka dib markii uu cunsurinimo ku aflagaadeeyay Anton Ferdinand ayaa Chelsea u ciyaari kara koobka Europe madaama ganaaxiisa uu ku egyahay kaliya koobabka dalka Ingariiska.
Dhamaan kabtanada oo dhan ayaa xiran doonaa marada kabtanka oo ay ku qoran tahay “Unite Again Racism” fariintaas oo ah inaan midowno inaan ka soo horjeesano cunsuriyada, waana qeyb ka mid ah olalaha isbuuca ee ay wado ururka ka soo horjeeda cunsuriyada ee qaarada yurub ee FARE.
Warbixin ay soo saartay UEFA ayaa lagu yiri: “Koox walba waxaa garoonka kula wehlin doona caruur xiran funaanado ay ku qoran tahay ‘Unite Against Racism’, kabtanada waxaa la weydiisan doonaa inay xirtaan kabtano ay ku qoran yihiin ‘Unite Against Racism’.”
Olalahan ayaa keeni doonta in lagu soo bandhi afartan ciyaar oo laga ciyaaro Champions League iyo Europa League isbuucaan, iyadoo muuqaalo cunsurinimada looga soo horjeeda lagu baahin doonaa shaashadaha waa weyn ee garoomada, islamarkaana taageerayaasha garoon walba codbaahiyayaal lagu gaarsiin doono in kubada cagta laga tirtiro cunsurinimada.