Maxkamad ku taala maamulka Somaliland oo xukun adag ku riday nin diinta Islaamka aflagaadeeyay
Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Maxkamad ku taala mid ka mid ah gobolada maamulkaasi ay xukun adag ku riday nin aflagaadeeyay diinta Islaamka, kaas oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, ka dibna maxkamad la horgeeyay.
Sida warku sheegayo Maxkamad ku taala degmada Balli-gubadle ayaa shalay Seddex Bilood oo xarig ah ku xukuntay Jaamac Maxamuud Aw-yuusuf ka dib markii lagu soo eedeeyey dembiga ah aflagaado diineed, waxayna Maxkamaddu ay eedaysanahaasi xukunka ku riday ka dib markii ay maxkamadda horteeda kaga cadaatay inuu af-lagaadeeyey diinta oo ay maxkamadda horteedana kaga cadeeyeen mar-khaatiyaal maxkamada la hor keenay.
Guddiga wanaag-farista iyo xumaan reebista ee maamulka Somaliland oo ka hadlay xukunka lagu riday ninkan aflagaadeeyay diinta ayaa sheegay in xukunka lagu riday ninkaasi uu yaryahay, isla markaasna loo baahanyahay in xukun adag lagu rido qof kasta oo ay ku cadaatay inuu u gefay diinta Islaamka, waxayna ka dalbadeen Madaxweynaha Somaliand inuu soo saaro go’aan cad oo sheegaya in ciqaab adag la marin doono cid kasta oo diinta Islaamka ceysa amaba wax ka sheegta.
Si kasta oo ay ahaataba deegaanada maamulka Somaliland ayaa waxaa sanooyinkii dambe waxaa ku soo badanayey dadka diinta Islaamka wax ka sheegaya amaba kuwo ku kacaya waxyaabo aysan diinta Islaamku raali ka aheyn, inkastoo la sheegay in Guddiga wanaag-farista iyo xumaanreebista ee maamulka uu wax badan ka qabtay dadka caadeystay inay aflagaadeeyaan diinta Islaamka.