MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Faah Faahin: Maxey ka wada hadleen Xasan Sh Maxamuud iyo Mahiga
Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobe Ambassador Agostine Mahiga iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan aan lasii shaacin Muqdisho ku yeeshay.

Agostine Mahiga Xoghayaha Qaramada Midoobe u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta barqadii Hoteel uu joogay Madaxweyne Xasan ugu tagay, islamarkaana uu la qaatay kulan gaar ah oo Saxaafadu marka hore dibadu ka joogtay.

Mahiga ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud oo uu ku tilmaamay inuu yahay Muwaadin madaxweyne oo isbadal doon ah.

Mahiga oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin Cod lagu shubtay ama hadii si kale loo dhigaba aysan jirin wax masuq maasuq ah oo la sameeyay intii ay socotay doorashada.



Ambassador Agostine Mahiga ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii Nabadda iyo kala dambeyntii lagu yaqiinay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kooban siiyay ayaa sheegay inuu fulinaayo balanqaad walbo oo uu sameeyay haba ugu horeeysee Ammaanka, Gargaarka, Bilicda dalka iyo soo celinta agabyadii lumay.

Waa kulankii ugu horeeysay oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud la qaato Masuul Beesha Caalamka ka socda, iyadoo saacadaha soo socdana uu kulamo kale la yeelan doona masuuliyiin kale.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,489,804 unique visits Top