Tuur-yare oo xaaladiisa Caafimaad saaka lagu soo waramay inay fiican tahay (Warbixin)
Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare ayaa waxa xalay lagu dhaawacay magaalada muqdisho ee caasimada Somaliya kaasi oo faah faahino kasoo baxayaan qaabka loo dhaawacay wariyahaasi.
Dad ehelkiisa ah ayaa sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay kasoo reyneyso waxaana lagu shubay wariyaha dhiig badan uu ubaahday iyadoo wariyeyaal xalay la jiiftay wariyaha ay sheegeen in xaalad caafimaad ay fiican tahay.
Maxamed Maxamuud Tuur-yare ayaa tibaaxay inuusan ogeyn waxyaabaha loo beegsaday xilli hadalka uu kuadkaa rasaasta jirkiisana ay wali xanuun ku heyso.
Nusuj ayaa waxay warsaxaafadeed kasoo baxay ku sheegeen kuna cambaareeyeen falkii lagu dhaawacay wariye Tuur yare iyadoo si weyn arintaasi uga xumaaday beegsiga saxafiyiinta somaliyeed.