Wararka Saakay naga soogaaraya Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan halkaasi uu xalay ka dhacay dagaal xoogan kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Xoogaga Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ahaa mid xoogan kaas oo la isku adeegsaday hubka culus iyo waliba kan fududba kaas oo ka dhacay gudaha Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa weerarkaan ay sooqaadeen Xoogaga Al-Shabaab islamarkaana ay ku sooqaadeen goobo fariisin u ahaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Ilaa iyo haatan macada qasaaraha rasmigaa ee kadhashay ama sookalagaaray dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.
Sidoo kale lama oga ilaa haatan qasaaraha kasoogaaray dadka rayidka dagaalkaan xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Baydhaba.
Ilaa iyo haatan majiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay kaga hadlayaan weerarkii ay Xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Baydhaba.
Weerarkaan ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Magaalada Baydhaba oo aan la ogeen ilaa haatan qasaaraha ka dhashay ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay ku sugan yihiin Baydhabo Ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM kuwaas oo dhawaan tooda kuwada sugan Gudaha Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.