Kenya oo soo bandhigtay Sawirada rag katirsan Shabaab oo labaadi goobayo
Dowlada dalka kenya ayaa soo bandhigtay saiwrada Afar Nin oo katirsan Kooxda Shabaab.
Afartan nin ayaa tababar kusoo qaatay gudaha Soomaaliya waxaana haatan ay kusugan yihiin Kenya sida ku cad bayaan kasoo baxay Booliska Kenya.
Afhayeen Poliiska Kenya u hadlay oo lagu magacaabo Eric Kiraith ayaa sheegay in ragaan Afarta ah oo dhalasho ahaan Kenyan ah ay maleegeen falal amaanka Kenya kadhan ah.
Hassan Omondi Owiti,
Yassin Olunga alias Ndungu,
Ali Masadiq iyo
Shaban Namusenda Makotse.
Magacyadaas kor ku qoran ayaa Sargaalkan uhadlay Booliska Kenya waxaa uu shegay in qofkii arkaa uu ku wargeliyo saldhigyada ciidamada.
Gudaha Kenya waxaa ka dhacay weeraro gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona weeraradaas lagu eedeeyay rag katirsan Shabaab.