MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Rag Hubaysan oo si arxan daro ah dad shacab ah ugu dilay gobolka Sanaag
Kooxo hubaysan ayaa laba qof ku dilay, laba kalena ku dhaawacay weerar ay ku qaadeen gaari xamuul ah oo siday ari la doonayey in la geeyo dekeda Boosaaso ee Puntland.

Kooxdan dablayda ah ayaa sida la sheegay markii ay gaarigan weerarka ku qaadeen watay gaari Seeraf ah oo ay kala baxsadeen Maayarka degmada Xiin-gallool ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, iyadda oo lagu waramay in kooxdani ay gaariga ka heleen meel lagu magacaabo Bali-busle, ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen si ay u joojiyaan, rasaastaasi oo markiiba dishay laba qof oo midkood ahaa Kirishboygii gaarigaas la socday oo dusha saarnaa, mid kalena ay dhaawacday.

Dablaydan oo tiradooda aan la aqoon, ayaa la tilmaamay in markii gaarigu joogsaday ay dirawalkii kala wareegeen isla-markaana dib ugula noqdeen degmada Xiin-gallool, iyagga oo intii ay dhexda ku sii jireena toogtay dirawalkii gaariga ay kala wareegeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in dablayda falkan geysatay oo ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Xiin-gallool ay falkan kaga aar-gudanayeen koox ka soo jeeda Sool oo la sheegay inay hore uga dhacday Maandooriyaha Khamriga oo ay Boosaaso u iibgeynayeen, iyadda oo la sheegay in gaariga ay afduubeen uu lahaa nin reer Sool ah, halka dirawalka ay dileena isla Sool ka soo jeedo.

Dhanka kale, wararka halkaas laga helay ayaa sheegay in beesha Sool oo uu ka soo jeeddo dirawalka gaariga ariga sidday ee ay dileen burcaddaas ay diideen in la aaso maydka Marxuumka geeriyooday isla-markaana ay doonayaan inay maydka ka soo qaadan Xiin-gallool oo kooxdaas la tagtay si ay ugu aastaan deegaanadooda.

Wararka halkaas laga helay ayaa qaarkood sheegeen in dablaydan ay ilaa shalay ku sugnaayeen gudaha Xiin-gallool, ka dib markii ay falkan geysteen.

Falkan ayaa laga baqayaa inuu colaad kala dhex dhigo labada beelood ee Sanaag bari iyo Sool isla-markaana ay bilaabmaan falal kala aar-goosasho ahi.
Comments
Render time: 0.02 seconds 4,477,008 unique visits Top