MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Harboole: Dagaalo xoogan oo wali ka socda Afmadow iyo Ciidamada Isbaheysiga oo..
Dagaalo Xoogan ayaa duhurnimadii maanta oo Talaado ah ah ka bilowday qeybo kamid ah degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose, iyadoo dagaal uu wali sii socda.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, Jabhadda Raas-Kambooni iyo Milteriga Kenya oo dhinac ah iyo ururka xarakada AL Shabaab ayuu u dhaxeeyaa dagaalka haatan ka socda deegaan ka tirsan deegaana degmada Afmadow ee G/J/Hoose.

Deegaanka dagaalka xoogan uu ka socdo ayaa waxaa lagu magacaabaa Harboole, waa sida uu inoo sheegay goob jooge ku sugan meel ka baxsan deegaanka Harboole, balse aad ugu dhow.

Qofkan marqaatiga ah ayaa sheegay in dagaal oo aad u xoogan ay soo qaadeen Ciidamada Isbaheeysiga oo doonayay in ay la wareegaan saldhig Shabaabku uu ku lahaa Harboole.



Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay oo Galabta aynu heleeyno ay sheegayaan in dagaalka hadda socda Deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka Kenya, waxaana wararka ay sheegayaan in Askarta Huwanta ah ay sii sameynayaan horusocod.

Ma jirto ilaa iyo hadda Qasaaraha ka dhashay dagaalka oo la ogaaday, hase ahaatee waxaa inoo suurto galin inaan Wareysiyo la yeelano dhinacyada maanta ku hardamaya Afmadow.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya waqti Isbuucyadii lasoo dhaafay Xaalad deganaansho ay ka jirtay gobolka Jubadda Hoose.

Fadlan la soco Wararkeena hadhow oo aan kusoo qaadan doonno Faah Faahin dagaalka.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,533,491 unique visits Top