MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DAAWO VIDEO) Taliyaha Ciidammada Xoogga “Qaadista Cunaqabateynta Hubka Muhiimad Weyn Ayey U Leedahay Howlgalka”
Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in qaadista cunaqabateyna hubka ee saarneyd Soomaaliya ay muhiimad gaar ah u leedahay howlgalka dalka ka soconayo ee looga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda.

Taliyaha oo saakay ka qeybgalayey barnaamijka Kulanka Jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa xusay in cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay muhiimad u leedahay howlgalka soconaya iyo dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya .

Mar uu taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini howlgalka ka soconaya gudaha dalka ayuu tilmaamay in howlgalku uu marayo meel wanaagsan islamarkaana dhowaan lasoo afjari doono gebi ahaanba Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM waxa uu ugu hambalyeeyey guullaha isdaba jooga ah ee ay kasoo hooynayaan howlgalka lagu xureynayo maleeshiyada Al-Qaeda.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,501,344 unique visits Top