MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(Daawo Video) Inkabadan 250 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Turkiga Oo Muqdisho Ka Dhoofay
Inkabadan 250 Arday Oo Deeq waxbarasho ka helay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ardaydan oo ka faa’ideysanaya deeq waxbarasho oo si lacag la’aan ah ay walaalaha Turkigu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa duhurnimadii maanta laga sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ardayda maanta ka dhoofay Muqdisho ee deeqda Waxbarasho ka faa’ideysanaya ayaa ka duwan fursadihii ay horey uga ambabaxeen dalka ardaydii ka horeysay waxaana ardaydan ay fursadahan ku heleen imtixaan dhanka Internetka ah.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa isagu ardaydan ku sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana Ardaydan ay yihiin kuwoo diyaarin doona shahaadada Masterka.

Diyaarad gaar ah oo ka mid ah diyaaradaha Shirkadda Turkish Airways ayaa maanta ka qaaday ardaydan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayadoo ardaydanna ay Jaamacadaha kala duwan ee dalkaasi wax ka baran doonaan.

Dowladda Turkiga ayaa iyadu ah xiligan Dowladda deeqda Waxbarasho ee ugu ballaaran ay ka helaan jiilka Soomaaliyeed ee Mustaqbalka Dalka usoo baxaya waxaana ardayda maanta ka ambabaxday Muqdisho ay kakala yimaadeen gobollada dalka oo dhan.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,512,621 unique visits Top