XOG: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka fakaraya in uu Ra段isul Wasaare u magaacaabo Farmaajo iyo Gaar midkood
Ilo Xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegeen in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ka fakaraayo in uu Ra段isul Wasaare u doorto labo nin midkood.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa BAD WEYN haatan ay ku furantay kadib markii looga fadhiyo inuu Soo magacaabo Ra段isal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Warbaahinta ay il gaar ah ku eegeyso.
Qof la taliye u ah Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo inuu Ra段iska Dowladda uu u magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo C/wali Gaas.
La taliyahan magaciisa diiday in la faafiyo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in Ra,iisul Wasaare uu u magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee Wali makala cadda arintaasi.
Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Farmaajo uu ka dhigto Ra段isul Wasaare, si uu u helo Taageerida Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Inta badan Shacabka ay taageeraan Farmaajo.
Xog kale ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu balan qaad u sameeyay Ra段isul Wasaarihii hore Dr C/wali Gaas oo Codad badan ugu shubay doorashadii dhacday.
Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in Ra段isul Wasaare uu u soo magacaabo Aqoonyahan qurbo joog ah oo saaxiibo dhow ay isla yihiin.