MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
C/weli wasaare Gaas:- Xilligii aan Ra’isul wasaaraha ahaa lacag kuma shaqeyn jirin, markii aan wasiirka ahaana…
Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi uu dhinacyo badan si furan uga hadlay siiyey idaacadda VOA-da, wuxuuna sheegay inaysan jirin khilaaf ka dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne Shariif, sidoo kalena waxa uu sheegay in musuqmaasuqa lagu eedeeyay Xukuumaddiisu ay tahay mid aan waxba ka jirin, isla markaasna warkaasi dacaayadda ah ay faafiyeen kooxo gafanayaal ah oo ku naaxay hantida ummadda Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Ra’isul wasaarihii isaga ka horeeyay ee Farmaajo iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa uu yiri “Saaxiib ayaan la ahay Madaxweyne Shariiif iyo Ra’iisul wasaare Farmaajo labadaba, waynu wada shaqeynay labada ninba, mana naga dhaxeyn dagaal siyaasadeed oo muuqda, haddii ay jireen khilaafyo yaryar wada hadal ayaa lagu xalin jiray, ogow haddiii dagal siyaasadeed uu jiri lahaa, kuma guuleysan laheyn wax badan, sida Road Map-ka, horumarinta ammaanka, dhameynta hanaankii KMG-ka ahaa iyo meelo badan oo Al-shabab laga qabsaday” ayuu yiri C/weli Maxamed Cali Gaas.

Mr. Gaas waxa uu si adag u diiday eedaymaha musuqmaasuqa ah ee hay’adaha Qaramada Midoobay ay u jeediyeen madaxda Soomaalida, waaxaana uu taas beddelkeeda shaaca ka qaaday sir aysan dad badan ogeyn oo ah lacagta Soomaaliya laga dhaco, wuxuuna yiri “Eedaymaha musuqmaasuqa waa kuwo ay hindaseen hay’ado fadhigeedu yahay Nairobi oo ka faa’iiday dhibaatada Soomaaliya ee 20-ka sano, sanad kasta dunida waxay Soomaaliya ku bixisaa hal bilyan oo dollar, haddana ma aragno wax iskuulo ah oo la dhisay, goobo cafimaad iyo waddooyin, sidaas darteed hal bilyan ayaa sanad kasta la qarash gareeyaa xisaab la’aan, dadka gafanayaasha ah ee ku naaxay dhiigga shacabka Soomaaliyeed inay sameysteen NGO-yadu ay wax yar siiyaan si aan loo daba-gelin ka dibna ay yiraahdaan lacagtii waxaan Soomaaliya u marsiinay NGO-yo ka howlgalada gudaha dalka Soomaaliya, ka dibna dacaayad soo hindisa si aan baaritaan loogu sameynin” .

C/weli Gaas ayaa sheegaya inaysan jirin dhaqaalaha ay sheegaan kooxaha gafanayaasha ah inuu Soomaaliya soo galay, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya dhaqaalaha ay hesho uu ku xiranyahay oo keliya sida uu yiri dekadda Muqdisho oo uu sheegay in bil kasta ay ka so gasho 2-milyan oo doolar, isagoo sheegay in lacag yaridaasi ay ku kaliftay inuu dib u iibiyo tikidkiisa, sidoo kalena mar uu ka qeybgalayey shirkii London uu waayey lacag bukid mani ka dhigto, xaaskiisana ay uga soo dirtay dalka Mareykanka lacag magaalo joog ah, wuxuuna ku dooday in xilligii uu wasiirku ahaa uu qaadan jiray lacag gaareysa 2-kun oo doolar, markii Ra’isul wasaaraha ahaana aysan jirin lacag uu mushaar ahaan u qaadan jiray, taas bedelkeena uu la wadaagi jiray shaqaalaha xafiiskiisa, iyadoo la sheegay in xafiiskiisa ay bil waliba ku bixi jirtay 90-kun oo doolar.
Comments
Render time: 0.02 seconds 4,531,128 unique visits Top