MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Al-Shabaab Oo Amar Kubixiyay Dhalinyarada Baraawe in ay Dalagamaan
Dagmada Baraawe oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogaga Al-Shabaab kuwaas oo cabsi ballaaran kamuujiyay weeraradaan ay sheegaan intabadan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose in ay ku qaadayaan Dagmada Baraawe halkaasina ay kasaarayaan Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Dagmada Baraawe oo maanta lahadlay warbaahinta Muqdisho kuwaas oo ahaa Odayaashaa Halkaasi kasoojeeda kuwaas oo sheegay inay faracidileh kaga soobaxsadeen Dagmada Baraawe oo ay dhawaan soogaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in ay Al-Shabaabka kusugan Baraawe ay ku amreen dadka degaanka in ay keenaan lacago ay sheegeen in ay ku difaacayaan Baraawe waxaana ay sheegeen in dadka degaanka lacago ay isku dareen in ay u geeyeen Al-Shabaab.

muddo kadib waxa ay Al-Shabaab markale amar kubixiyeen in la keeno xoolo ay ku tilmaameen in lagu baxnaaninaayo Ciidamada katirsan Al-Shabaab oo ay waxyeelada kasoogaarto dagaalada ay kula galaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Gobolka Shabeelaha Hoose taasna uu tilmaamay in ay u geeyeen dadka degaanka dhoor neef oo ay is ku dar dareen.

waxaana uu ugu dambeentii sheegay in ay Al-Shabaab ay amar xoogan oo kama dambees ah ay kubixiyeen in dadka ku dhaqan Dagmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose in ay keenaan dhalin yaro badan oo u dagaalanta kuwaas oo ay sheegeen in ay ku difaacayaan Baraawe taas oo ay carabaabeen iney keentay in dadka degaanka ay kasoo horjeestaan.

waxaana ay intaa kudareen waxgaradkaan kasoojeeda Dagmada Bareewe in ay qaab dhuumasho ah ay kaga soobaxeen Dagmada Baraawe iyagoona kacabsi qabay in ay waxyeeleeyaan Al-Shabaab.

Comments
Render time: 0.03 seconds 4,494,174 unique visits Top