Wararka aynu ka helaynu Xaafada Towfiiq oo kamid ah Xaafadaha Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisgho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi galabta uu ka dhacay qarax aad u xoogan oo uu lakacay gaari ay saarmaayeen ragaab aad u fara badan.
Dad goob joogayaal ah oo aan lahadalnay markii qarax uu dhacay ka dib islamarkaana ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan qasaarana ay ka soo gaareen dadkii saarnaa gaariga qaraxa la kacay,
Halmar ayaa indhaheyna waxa ay qabteen uuro madow iyo qiic baxaaya goobta waxa yiilay hilbo go’go’ay taasi oo suurta gal ka dhigiweysay inaan kala garano dhaawaca iyo dhimashada uu qaraxa geystay sidaasi waxaa ku yiri mid ka mid ah dadka goob joogayaasha aan qadka taleenka aan kula xariirnay.
Inta ay dadkaan xaqiijiyeen dadkaan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dhinteen ilaa dad gaaraya 2-ruux inkabadana afar ayuu dhaawac ka soogaaray.
Dadka dhaawaca ayaa loola cararay Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu dhabiibayo.goobta qaraxa ka dhacay ayaa durba waxaa soo gaaray Ciidamada Dowlada Soomaliya iyagoona isku gadaamay halkaasi,
Ilaa iyo iminka ma jitro cid sheegatay qaraxa balse inta badan qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho waxaa sheegya ururka Al-shabaab ee ka soo horjeeda Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada Midowga Africa,