Maamulka Ahlusunna oo so dhaweyay Madaxweynaha Cusub ee Somalia islamarkana dalbaday in R/wasaaraha Somalia garabkooda ka yimaado
Maamulka Ahlusunna waljamaca ayaa waxaa uu soo dhaweyay Madaxweynaha Cusub ee Somalia Dr Axmed Sheikh Maxamuud ee xalay lagu doortay Magaaalada Muqdisho.
Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ku sugan Magaalada Muqdisho Saxafada u waramayay ayaa waxaa uu shegay in Ahlusunna Waljamacaa ay siweyn uu soo dhawaynayso Madaxweynaha Cusub ee Somalia Dr Xasan Sheikh Maxamuud.
Sh. Aw-libaax ayaa waxaa uu shegay in Somalia manta ay gashay maalin cusub oo in badan la sugayay waxaana uu shegay in aysan maalintaan Farxada leh aysan iska imaan balse waqti badan iyo Safaro badan la galiyay ayna tahay mirihii ka soo baxay Shirarki isdaba jooga ahaa ee Roadmapka.
Gudomiyaha ayaa waxaa uu shegay in Maamulka Ahlusunna uu qayb weyn ka ahaa Roadmapka guulaha manta ay Somaliya garaysana Ahlusunna ay qayb libaax ku leedahay marka mirihi aan keenay marna ma dayici doono wana la shaqayn doona Madaxweynaha Cusub ee Somalia ayu yiri Gudomiye Aw-libaax.
Mar wax laga waydiyay su,aal ahayd Maamulka aad Madaxda u tahay Ciidamadiisa ma ku warejin doontan Dowlada Cusub ee Somalia ee uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ku jawabay.
Anagu waxaan nahay Maamul jira Ciidamadeenana waxaay la mid yihiin Ciidamada Puntland, Somaliland, Galmudug, marka waxaanu wareejin doona marka guud ahaan Maamulada wadanka ka jira ay warejiyaan Ciidamadooda ayu yiri Gudomiyaha Ahlusunna Sh.Maxamed Aw-libaax.
Ugu danbeyn Gudomiyaha ayaa waxaa uu baaq u diray Madaxweynaha Cusub ee Somalia waxaana u yiri Madaxweynaha Cusub ee Somalia waxaan ugu baqayna in uu R/wasaaaraha Somalia u magacaabo Aqonyahan ka yimada Dhanka Ahlusunna Waljamaaca.
Baaq Ahlusunna Walajamaca ayaa waxaaa uu noqonaya ki ugu horeyay ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud lo diro ayado la wada ogson yahay in Ahlusunna ay tahay Awood ka mid ah Awoodaha Siyaasadeed ee Wadanka Somalia hadan lama oga go,anka u ka qadan doono Madaxweynaha Cusub ee Somalia.