Faah faahin kusaabsan Qarax ka dhacay saaka B/weyn iyo Al shabaab oo sheegtay
Wararka naga soo gaaraya magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax xoogan lagula beegsaday kollanyo ciidamada itoobiya ay wateen.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay waxyeelo aad udaran waxaana jira dhimasho gaareysa 5 askari oo itoobiyaan ah 10 kalena dhaawac soo gaaray sida la sheegay iyadoo rasaas xoogan magaalada laga maqlay qaraxa kadib.
Qaraxa oo ahaa miinada meelaha fog fog laga hago ayaa haleelay gaari Uuraal ah oo ciidamo kabadan 20 askari saarnaayeen iyadoo qaraxaasina uu faah faahino kasoo baxayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidamada itoobiya oo si aad ah ucareysanaa ay ku qab-qabteen dhalinyaro aad ufarabadan.
Al shabaab ayaa goor dhaw sheegtay mas’uuliyada Qaraxii saaka ka dhacay magaalad B/weyne iyagoo bogga Twitter-ka ka sheegay inay dileen askar badan oo itoobiyaan ah kuwa kalena ay dhaawacmeen.
Xaalada ayaa ah wali mid kacsan iyadoo hakad uu ku jiro isku socodkii dadka iyo gaadidka meesha qaraxa lagula beegsaday,waxaana sidoo kale hakad galay socdaalki itoobiyaanka ay ku doonayeen inay ku gaaraan Buurta jante kun disho oo ay usocdeen ka hor qaraxa intan lalabeegsan.