(DAAWO VIDEO) Muxaadaro Aad U Qiima Badan Oo Ka Hadlaysa Fadliga 10 Hore Ee Bisha Dul-Xaj Sh Umal
Tobanka Maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-Xijja waa maalmaha ugu fadliga badan maalmaha, marka walalaaha musliminta waxan xasuusinaynaa inay ka faa'idaystaan 10 maalmood ee Dul-xaj
.hadaan muslimiin nahay waxaa waajib nagu ah laasimida inaa la nimaano cibaada alle gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horeeya bisha Dil-Xijja waayo xaasaandka iyo abaal marinta alle wa la kordhiyaa maalmahaas.
waxaa habboon in maalmahan lagu badiyo qur’aan akhriska, soon iyo salaadaha sunnada. Waxaa sunno la adkeeyay ah in dadka aan xujeeyda ahayn ay soomaan maalinta sagaalaad ee bisha Dil-Xijja.
Nabiga CSW waxa laga wariyay inuu yiri: "Ma jiraan Alle agtiisa maalmo kaga fadli badan tobanka maalmood hore ee bisha Dil-Xijja"
ma jirto maalin ka fadli badan alle agtiisa maalinta carafa. ilhaaya hanaga dhigo kuwii ka faa'idaysto 10 maalmood ee fadliga badan isla markaasna nagu daro kuwa naarta looga xoreeyay. aamiiiin