(Daawo Video) Maamulka Khaatumo State Oo Ciidamo Dhanka Amaanka Ah Ka Hawlgaliyey Magaalada Buuhoodle
Munaasibad balaadhan oo ay kasoo qayb galeeen Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub, Taliyaha Qaybta C/kariin Ismaaciil Dhowre, iyo waliba Taliyaha Saldhiga Cumar C/ Haaruun oo ka dhacday Magaalada Buuhoodle ayaa si taas oo ah oo rasmi ah looga hawl galiyey Magaalada Buuhoodle Ciidamada Police-ka ama amaanka ee Maamulka Khaatumo State Of Somalia.
Hadaba waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay taliyaha qaybta C/kariin Ismaaciil Dhowre isagoona ka warbixiyey cadadka ay le’eg yihiin ciidankani iyo waliba hawlaha horyaal.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo Yaasiin Axmed Sulub oo ugu horeynba hambalyo iyo bogaadin u diray madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona erayo dar daaran ah usoo jeediyey ciidankani maanta loo xil saaray dhanka amaanka ee Magaalada Buuhoodle.
Waxaa ugu dambeyntii isna halkaasi ka hadlay Taliyaha Saldhiga Cumar C/ Haaruun oo sheegay in ciidankani ay diyaar u yihiin in ay hawlgalaan, isagoona codsi u diray mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka Khaatumo State.
Si kastaba ha ahaatee waa markii u horaysay ee Maamulka Khaatumo State tan iyo markii lagu soo yagleelay Degmada taariikhigaa ee Taleex uu ka hawl galiyo Magaalada Buuhoodle ciidamo dhanka amaanka ah.