MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
HOWLGAL BURBURIN AH OO CIIDAMADA DOWLADDA KA SAMEEYEEN MAGAALADA BAYDHABO
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal burburin ah waxa ay maanta ka wadaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.


Sida uu Idaacadaha Magaalada Muqdisho usheegay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Baydhabo Maxamed Macalin Ibraahin howlgalka ayaa wuxuu yahay mid lagu burburinayo goobaha sida sharci darada ah uga dhisan magaaladaasi.

Wuxuu sheegay in la doonayo in dib loosoo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalkaasi sida uu tilmaamayna iminka laguda galay xilli roobaadka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgalka lagu burburinayo goobaha sida sharci darada ah uga dhisan Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.

Wuxuu tilmaamay in hada ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgalka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada sidoo kalena ay usii dhaadhici doonaan xaafadaha kale ee Magaaladaasi.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Soomaaliay iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxaana howlgalka maanta uu kusoo aadaya xilli shalay ciidamada dowladda qarax lagula eegtay Magaaladaasi.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,577,342 unique visits Top