MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
(DAAWO VIDEO) Cabdi Weli Gaas oo Muqdisho ka dhoofay talow intuu u dhoofay
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade.

Cabdi Wali Gaas ayaa waxa uu safarkiisan ku aaday Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug taas oo aan la ogeen ilaa haatan sababta rasmigaa ee kadanbeysa Magaalada Gaalkacyo in uu xiligaan gaaro in kastoo ay jiraan warar kala duwan oo kasoo baxaya safarkiisa.

Cabdi Wali Gaas oo inta uusan kadhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay warbaahinta waxaana uu sheegay in taahan uu kusii jeedo Magaalada Galkacyo oo uu halkaasi ku qotamo Safarkiisa hasayeeshee ma uusan cadeen sababta keentay xiligaan in uu u ambabaxo Gaalkacyo.

Warar qaar ah oo ay isla dhex marayaan dadka ayaa waxa ay sheegayaan in Cabdi Wali Gaas uu u taagan qabashada Xilla Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland taasna ay keentay in maanta uu u doolo Magaalada Galkacyo.

Mar uu shalay lahadlaayay warbaahinta Muqdosho Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduwali Max’ed Cali Gaas ayaa waxa uu kagaabsaday in uu ka jawaabo Su’aal ay weydiiyeen Wariyaasha taas oo aheed in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland.

Ugu dambeemtii waxa uu imaanayaa Safalka Cabdi Wali Gaas Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya xili ay soobaxayaan warar sheegaya in Gaas uu u taagan yahay qabashada Xilka Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland.


Comments
Render time: 0.03 seconds 4,503,258 unique visits Top