Adduunka oo ku faraxsan in Labada Shariif ay ka baxaan Siyaasadda Soomaaliya”Warbixin”
Iyadoo Shalay ilaa Xalay magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka hadlay doorashadaas oo soo dhoweeyay Adduunka.
Wadamada caalamka ayaa oraahyo isku mid ah waxa ay ka bixiyeen Doorashada Habeenkii Xalay kusoo idlaatay magaalada Muqdisho, iyagoo soo dhoweeyay wajiyada cusub ee siyaasada Soomaaliya kusoo kordhay.
War maanta kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu soo dhoweynaayo doorashada dhacday iyo Madaxweyne Mudane Prof Xasan Sheekh Maxamud.
Xukuumada Washington waxa ay qirtay in ay la shaqeen doonaan Xukuumada uu soo dhisi doono Madaxweynaha iyo dowladiisaba, sidii ay u taageereen dowladihii hore ee KMG ahayd.
Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Matt Bought oo maanta isagoo jooga Muqdisho sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Siyaasada Soomaaliya ay yeelato Wajiyo cusub, islamarkaana uu rajeeyay in la dhaqan galiyo Dastuurka.
Dhanka kale Boqortooyada Sacuudiga iyo Wadamada Yurub qaar ayaa waxa ay sheegeen in wajiyadan cusub ee hogaanka u noqday Soomaaliya ay ku imaadeen rabitaanka Shacabka, maadaama Barlamaanka ay matalayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Horaan Hillary Clinton, David Cameroon iyo Agostine Mahiga ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay qasab tahay in ay yeelato hogaan cusub, taasoo micno ahaan ka dhigan in labada Shariif ay daaqada ka baxaan[WAANA KA BAXEEN].