Ber-bera oo mas置uliyiin dhinaca ciyaaraha somaliland ku xirtay (Warbixin)
Garoonka diyaaradaha Magaalada Ber bera ayaa ciidamada dambi baarista waxay gacanta ku dhigeen mas置uliyiin dhinaca ciyaaraha katirsanaa kuwaasi oo xabsina loo taxaabay.
Guddoomiyihii Xidhiidhka kubadda Cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh (Axmed-Dhego) iyo guddoomiyaha Naadiga kubadda cagta heerka 1aad ee wasaaradda duulista hawada Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa hadda ku jira xabsi kuyaalla magaalada Ber bera.
Labadaan mas置ul ee uxiran ciidamada dambi baarista Somaliland ayaa la sheegay inay dhawaan ka amba-baxeen muqdisho iyadoo si dhuumaleysi ahna muddo sagaal maalmood muqdisho ku joogeen markii ay tageena xabsiga loo taxaabay.
Wariyeyaal kusugan magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa sheegay in xitaa saxaafada loo diiday inay la hadlaan labadaasi mas置ul ee dhinaca ciyaaraha qaabilsanaa xilli xitaa qoysaskooda ciidamadu ka hor istaageen inay la kulmaan.
Axmed-Dhego iyo Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) ayaa la ogeyn falka ay ku eedeysan yihiin marka laga reebo inay yimaadeen magaaladan muqdisho kuwaasi oo kulamana ay kula qaateen xubno xiriirka somaliyeed ah.
Somaliland ayaa 1991-kii waxay usheegeen inay ka go弾en somaliya inteeda kale waxaana taasi dad badan oo labada gobol kala deggan qaarkood sheegaan inay labo dal kala yihiin xariga mas置uliyiintana waxaa loo maleynayaa inay qeyb ka tahay s/land somaliya naceybkeeda.