warar ayaa sheegaya in ciidamada dawlada ee kusugan magaalada kismaayo ay kufsi kula kaceen gabar ka mid ahayd kuwa deggan xaafada Farjano ee magaalada kismaayo.
Dad lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in gabadha kufsi loo geystay magaceeda lagu soo koobay Canab waxaana da’deeda lagu qiyaasay 24 sano jir iyadoona ciidamadu ukaxeysteen duleedka kismaayo wuqooyigeeda halka loo yaqaano howdka kuuba.
Xiriir aan la sameeynay ehelka iyo qaraabada gabadha la kufsaday ayaa inoo taabagali weysay inan taleefoonka kula hadalno hase-ahaatee dad kusugan kismaayo waxay sheegayaan in ciidamada dawlada ay kufsigaasi ugeysteen canab.
Dadka ku dhaqan xaafada Farjano markii aad la hadasho waxay kuu sheegayaan inay ka baqayaan in la kufsado haweenka oo hooyo iyo gabar cabsida si isku mid ah usaameysay iyagoona dawlada ka codsaday inay arintaan ugubka ah deg deg wax uga qabato.