Yuusuf Garaad: Magaalada Muqdisho kama tagaayo, Waxaan noqonayaa Macalin Jaamacadeed
Tifaftirihii hore ee Laanta Afka Soomaaliga BBC-da Yusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaa musharrax u taagan jagada madaxtinimada Soomaaliya ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa dambe mar haduu hamigiisa uu waayay.
Musharaxiin farabadan oo uu kamid yahay Yusuf Garaad ayaa waxa ay ku fashilmeen in doorashadii Xalay dhacday ay ka helaan Codad Anfaca ayaa waxa uu Ka Warbixiyay sida doorashada dhacday ay ugula muuqato.
Musharrax hore Yusuf Garad waxa uu hoosta ka xariiqay in uu doonayo inuu Macalin Ka noqdo Jaamacadaha magaalada Muqdisho, islamarkaana uu wax baro dhalanyarada soo baxeeysa.
Isagoo marka hore ka hadlaaya doorashada dhacday ayaa waxa uu yiri” waan soo dhoweynaa doorashada, si walbo oo ay u dhacdo waxan ku qasbanahay inaan soo dhoweeyo, aniga hadaan Madaxweyne noqon waa in la helaa qof iga fiican”.
” Maya ma doonayo inaan London ku laabto, waa macquul inaan mar gaaro hadana dib Xamar ugu soo laabto lakin taladeeyda wexey tahay inaan Macalin Jaamacadeed Muqdisho ka noqdo” ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Dhanka kale Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu jago Wasiirnimo helo, hase ahaatee wararkaas wali kalama cada.