Saraakiil ka tirsan IGAD oo magaalada Kismaayo u tagay arrimo ay ka mid tahay sidii…
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay shegayaan in shalay ay magaaladaasi gaareen wafdi ka socday Urur goboleedka IGAD, kuwaas oo sheegay inay magaaladaasi u tageen kormeer iyo sidii ay u qiimeyn lahaayeen maamulka loo sameynayo magaalada Kismaayo.
Sida warku sheegayo wafdiga ka socday IGAD ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxay kormeer ku kala bixiyeen dekadda magaalada Kismaayo, garoonka diyaaradaha, xarunta madaxtooyada ee magaaladaasi iyo qeybo badan oo ka mid ah magaaladaasi oo ay ku jiraan xeryaha ay ku jiraan ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni, waxayna kulamo kala duwan la qaateen taliyaha ciidamada AMISOM ee agga Kismaayo iyo Guddomaiye ku xigeenka maamulka KMG ah Col. Yasiin Nuur Gaas.
Ujeedada wafdigaan ka socda urur goboleedka IGAD uu ku tagay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay indho-indheyn xaalada guud ee magaalada Kismaayo iyo gogol xaaritaan ay u samaynayeen shirka maamul u sameynta gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo dhawan la filayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo oo ay IGAD dooneyso inay maamul u sameyso magaalada Kismaayo.
Safarka Wafdigaan ka socda urur goboleedka IGAAD u ku tagay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyay ee ay mas’uuliyiin ka tirsan IGAD ay ku tagaan magaalada Kismaayo in ka badan 5-sano gacanta ugu jirtay xoogga Xarakada Al-shabaab, inkastoo ay todobaadyo ka hor la wareegeen gacan ku heynteeda ciidamada Kenya, kuwa Raaskambooni iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya.