Dhalinyada is masaafeysaneysa oo dib u bilaabmaya, kadib markii Mudo la waayay Dad Masaafo isku soo xirta.
Waxaa dib uga bilaabmaya magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ku dhow dhow guurka masaafada oo mudo aan ka suuro gelin, taasi oo siyaabooyin kala duwan looga hadley.
Gaadiidka ka baxaya Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa rag iyo dumar u socda masaafo, iyadoo sidoo kalena ay jiraan gaadiid si gaar ah loo kireysto oo lagu safro. si masaafada loo galo.
Arrintan ayaa na loo xaqiijiyay in ay suuro gashay, kadib markii deegaano faro badan ay ka baxeen alshabaab oo markii hore diidi jiray, isla markaasna tacsiiri jiray raga iyo haweenka doonaya in ay isa soo masaafeystaan.
Deegaanka Wanla weyn oo markii hore caan ku ahaa Masaafada dadka galaya in ay iska soo xirtaan ayaa iyadoo ah maalmo uun ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ay gacanta ku hayaan ay ka bilaabatay isku nikaaxinta dadka is wata ee isla soo baxsadey.
Arrintan ayaa dadka qaarkii ay soo dhoweeyeen, halka qaar kalena ay walaac ka muujinayaan.
Mudo sii horeysay oo magaalada Muqdisho meelo kooban ay ka joogeen ciidamada dowlada, waxaa adkeyd in deegaano ka baxsadey magaalada loo aado guurka ama nikaaxa masaafada.