MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Midowga Yurub:-Isbedelka ka dhacay waa midda aan ku dooneyno inaan dowladda Soomaaliya si dhow ula shaqeyno, balse…
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya, si dowalddu ay ugu guuleysato howlaha horyaalla mudada ay shaqeynayso ee afarta sano ah.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso aya sheegay inay sidoo kale caawinayaan hay'adaha bulsahda rayidka ah, si ay iyaguna howlahooda u gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay aayaheeda ka tashato, Midowga Yurubna wuu ku caawinayaan arrintaasi” ayuu d'Urso ku yiri warsaxaafadeed uu shalay soo saaray, isagoo intaas ku daray “Tani waa midda aan ku dooneyno inaan dowladda Soomaaliya si dhow ula shaqeyno, balse ururada bulshada rayidka ah ayaa iyaguna u taagan inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska Qaranka Soomaaliya”.

Ergayga Midowga Yurub wuxuu hadalkiisa ku daray in tallaabadan ay tahay mid ay albaabbada ugu furayaan sidii ay wada-shaqeyn buuxda u dhexmari laheyd ururka Midowga Yurub, dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah., sidoo kale d’Urso wuxuu sheegay in qorshaha ay ka leeyihiin la shaqeynta ururada bulshada rayidka ah ay tahay sidii ay u arki lahaayeen isbedel mustaqbalka dhow ka dhaca Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabto in wada-shaqeynta Midowga Yurub iyo bulshada rayidka ah ay noqoto mid miro-dhasha.

Ergayga oo bishii la soo dhaafay laba jeer soo booqday Muqdisho ayaa sheegay inay arkeen in xaaladda dalku ay isbedeshay, wuxuuna sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay ergaygu wuxuu ugu baaqay ururada bulshada rayidka ah ee ka jira maamulada Puntland iyo Somaliland inay dedaal u galaan sidii haweenku ay kaalin ugu yeelan lahaayeen siyaasadda loona xushmeyn lahaa xuquuqda aadanaha, sida xuquuqda qoxootiga.
Comments
Render time: 0.03 seconds 4,543,880 unique visits Top