Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta tababar lagu baranaye baarista dambiyada kala duwan waxaa looga furay xarunta Tababarka Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Xarunta lagu furaye munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Booliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale masuuliyiinta dhanka Booliiska Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Khudbado kala duwan oo halkaasi laga jeediyay ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay ka faa’iideestaan tababarka maanta loo furay.
Abuukar Cali Axmed Taliyaha Xarunta Booliiska General Kaahiye oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in fursad ay tahay in ciidamada ka socda Booliiska Soomaaliyeed tababar loogu furo gudaha Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale halkaasi waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM kaasi oo sheegay in tababarkan uu yahay mid ay maal gelinayso Dowladda dalka Talyaaniga Booliiska Soomaaliyeedna looga baahan yahay inay ka faa’iideestaan.
Tirada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee maanta tababarka loo furay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 40-kuwaasi oo 10-kamid ah ay yihiin haween dhanka,waxaana ay isugu jiraan Askartaasi kuwa laga kala keenay Saldhigyada ku yaala Magaalada Muqdisho.