MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Golaha Guurtida Hawiye oo Shaaca ka qaaday in Kenya Dagaal Qabiil lagu taageerayo kawado Jubooyinka Hadii aan laga hortagina..
Ujeeddo: War – Saxaafadeed

Dowladda Kenya oo dagaal qabiil lagu taageeraayo ka wadda dalka soomaaliya, sida uu caddeeyay afhayeenka Ciidanka Kenya oo sheegay in ciidanka ay la dagaalayamayaan qabiil gaar ah oo taageera Al-Shabaab, waa arrin muujineysa, qodobada hoos ku qoran:

1- Danta gaarka ah oo ay keynya ka leedahay Somalia oo ah in badda soomaaliya ay boobto
kheyraadka ku jira, ayadoo kaashaneysa dowladda Norway iyo Dowlado kale oo ay isbaheystaan.

2- Waa sababta ay u soo hubeyneyso jabhadaha Raaskambooni oo qabiil gaar ah.

3- Waa caddahay in ciidan dowladda somalia aanu ka jirin Jubadda Hoose, maadaama jabhadaas ay hoos tagaan ciidanka Kenya.

4- Qabaa’ilka daga gobolada Jubbooyinka ma oggolaanayaan in qabiil Kenya waddo ay qabsadaan deegaankooda, waxaa dhici doona dagaalo qabiil oo aad u fool xun , oo Kenya ay mas’uuliyadaas qaadi doonto.

5- Waxaan ku tallineynaa in Kenya joojiso gumaadka shacabka soomaaliyeed, oo ay diyaaradaha iyo maraakiibta ku duqeyneyso, taasoo keeneysa caro dhalisa, dagaal ay kasoo qeybgalayaan dad aan hadda ku jirin dagaal, waa in ay Kenya ka baxdo dalka Somalia, awalna sharci kuma soo galin.

Haddaba, waxaan u sheegeynaa IGAD, UN & Dunida oo dhan in laga hortago dhul boobka Kenya ay ka waddo biyaha iyo berriga soomaaliya, iyo gumaadka ay u geysaneyso shacbiga soomaaliyeed, haddii arintaa wax laga qaban waayo, waxaa dhici doonta dagaal aan dhamaan weligiis, oo u dhaxeyn doona soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyntii, dadka soomaaliyeed ee daggan deegaamada jubbooyinka, waxaan u sheegeynaa in aan fidno shisheeye wato, oo dano gaar ah laga leeyahay isku dilin ee ay gartaan maslaxadda dalka iyo dadkooda, ayna ka feejignaadaan dibin-daabyada qeybi oo xukun ah, ee ay wadaan dowladda Kenya iyo xulufadeeda.

Dhinaca dib u heshiisiinta

Soomaaliya waxaa loo qabtay shirar badan oo dib u heshiisiineed, dadkuna isku cafiyeen, hadda waxaa noo muuqda in dib loo abuurayo colaado cusub.

Sidaas darteed, dadka dafiraya dib u heshiisiintii horay loo qabtay, ayaa qaadi doona dhibaatada ka timaada colaadaha ay abuurayaan.



Guddoomiyaha Golaha Guurtida Hawiye
Nuur Bocor Jeelle
Comments
Render time: 0.24 seconds 4,525,117 unique visits Top