War Deg Deg Ah Wareega Sadaxaad ee Doorashada oo Bilaabatay iyo Sheekh Shariif oo loo cabsanayo Caawa in laga guuleesto
Waxaa hada dib u Bilowday Wareega Sadaxaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxana isku soo haray labo Musharax oo kaliya oo kasoo haray 22-kii Musharax ee u taagnaa Wareegii hore ee Doorashada.
Waxaa hada Tartamaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo helay Codadka ugu badaan ee Doorashada iyadoona Xubnihii kale ee soo haray ay shaaciyeen in ay Tanaasuleen.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii hore loo saadaalinayay in uu kusoo baxo Codad tiro badan hasa ahatee hada wax walbo way is badaleen waxaana loo baqayaa in Sheekh Shariif uu Caawa guul dareesto .
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Kaambeen Xoogan ku jiray daqiiiqadii ugu dambeeyay si si uu u kasbado qaar kamid ah Codadka Xildhibaanadii haray waxaana jira Balanaadyo Codad ah aan lagu kalsoonaaneyn Karin.
Xasan Sheekh ayaa dhankiisa aad u hami sareeya waxa uuna heesta codad badan oo horey u taageersanaa iyo Qaar kamid ah Xubnihii tartamayay iyo kuwii kale ee tanaasulay waxaana laga yaabaa in uu guuleesto Caawa.