SHABAAB
JACEYLKA ABAALKIISA
DOOD WADAAG
MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
XOG WARAN
XIKMADII JACEYLKA
DABINKII DUMARKA 2
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Dowladda Kenya oo dowladda Soomaaliya ka codsatay in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Al-shabaab
Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka ka dib waxa uu soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayey waxyaabihii ay ka wada-hadleen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warsaxaafadeedka ku sheegay in Xasan Sheekh uu ka dalbaday 4-qodob oo ay ka mid yihiin dalalka IGAD ay ka qeybqaataan maamul sameynta gobolada Jubbooyinka, maadaama ay qeyb weyn ku leeyihiin amaan ku soo celinta Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay hub ka dhigis ku sameyso ciidamada Al-shabaab oo uu sheegay inay dhib badan ku hayaan dalkiisa iyo dalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in dib dalkooda loogu celiyo qaxootiga faraha badan ee ku nool dalka Kenya, wuxuuna arrinkaasi u sababeeyay in ammaanka Kenya ay qalgalagelin karaan dadkaasi.

“Madaxweynaha Soomaaliya kulankii aan kula yeeshay dalka Yugandha waxaan kala hadlay sidii ay IGAD qeyb uga noqon laheyd maamul u sameynta magaalada Kismaayo, sidoo kalena Qaramada Midoobay ayaan ka dalbanay in waqtiga loo kordhiyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya oo uu waqtiga ka dhacayo bishan October dhamaadkeeda” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo sidoo kale ku dooday in dadka qaxootiga Soomaalida ee Kenya xeryo looga sameeyo gudaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay inay ammaan ka dhigeen sida uu yiri.

Si kasta oo ay ahaataba dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin hadalka codsiga ah ee ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki, sidoo kalena lamaga oga sida ay uga hadli doonaan codsigaasi, wuxuuna hadalkan uu ka horimaanayaa hadal uu horay u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in cid aan aheyn dowladda Soomaaliya aysan maamul u sameyn doonin magaalada Kismaayo iyo Jubbooyinka.
Comments
Render time: 0.05 seconds 4,953,910 unique visits Top