MUSALSAL NUURA
MAALMIHII KU DHAAFAY
ARRIMAHA BULSHADA
XAASKA AFARAAD
DOOD WADAAG
XIKMADII JACEYLKA
XOG WARAN
DABINKII DUMARKA 2
MAARIYA KALAARA
DABINKII DUMARKA
FADA QALBUHA ABYADH
SANADIHII LUMAY
XUB FIL SAXARA
FOOL KA FOOL
WARKA DAAWO
MUSALSAL CAASI
MUSALSAL ZUHEYLA
SANADIHII LUMAY
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
BANDHIGA AAMINA
FANKA IYO SUUGAANTA
AFLAAN CUSUB
SOMALI MUSIC
Khudbadi Farmaajo oo kicisay Shucuurta Xubnaha Barlamanka Somalia iyo inta badan Shacabka Somaliyeed (Akhriso)‏
Waxaa malinti shalay ahayd Musharaxiin garaysa ila 10 ay khudbado kala duwaan ka jeediyeen Golaha barlamanka Somalia Khudbadahaaso oo Musharax walba uga hadlayay waxaa uu soo qabtay iyo hadi la doorto waxa uu qabanaayo.

Khudbadaha Musharaxiinta 10 ka ah oo dhamaantood heerkoodu sareyay isla markana si ficaan lo soo diyaariyay ayaa waxaa si khaas ah xubnaha barlamanka Somalia dareenkooda u kicyay Khudbad qiiro badan ay ku dhehnayd oo uu soo jediyay R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa ugu horeeyn salamay guud ahaan dhinacyadi ku sugna madasha Barlamanka hadi ay ahan lahayeen Musharaxiinta Xubnaha Barlamanka iyo qaybihi kale ee ka socday Wadamada Calamka.

Salan ka dib Farmaajo waxaa uu codsaday in sii Khudbadiisa lo dhagaysto si daacad ah ayadon lagu mashqulayn arimo kale intaas ka dib Farmaajo waxaa uu shegay in ay tahay marki labaad ee uu horyimaado Barlamanka Somalia ayado ay marki kowaad ahayd Marki barlamanki hore ee Somalia ansixinayeen in uu noqdo R/wasaaraha Somalia.

Farmaajo waxaa u shegay in Khudbad uu waqtigaasi u jeediyay islamarkana u badnayd balanqaadyo u ka horsamaynayay Barlamanka Somalia hadi la ansixiyo waxaa uu qaban doono ayaa waxa uu shegay in balanqaadyadi u wagaas sameyay uu dhaman fuliyay.

Balanqaad yadi Farmaajo ka horsameyay Barlamanka Somalia Sanad ka hor iyo wixi ka fulay

Waxaan balanqaday in aan soo dhisaayo Xukumad kooban oo Tayo leh Taasi waan fuliyay

Waxaan balan qaaday in aan dib u dhisi doono moraalka Ciidamada Xogga Somalia Taasi waan fuliyay


Waxaan balan qaday in Xukumada aan soo dhisaayo ay noqoto mid khilaaf ka caagan taasina wan fuliyay

waxaan balan qaday in aan Amaanka so celinaayo inti karayn kayga ah Taasi waa fuliyay

waxaan balan qaday in aan Ciidamada Tirakoobayo daryeelna aan u samaynaayo taasi waa fuliyay

waxaan balanqaaday in aan Mushaaradka Shaqaalaha Dowlada iyo Xildhibaanada bixinaayo taasi waan fuliyay

Waxaan balanqaaday in dhaqaalaha Dowlada so gala aan si ficaan u maamulaayo Taasi waan fuliyay

waxaan balanqaaday dib u heshiisinta in aan ka shaqaynaayo gobol walba oo somalia ah oo ay xiisadi ka dhacdo waxaan u diirayay wafdi heer sare aha oo xal ka keena qarash walba hanagu qadate taasi waan fuliyay waxaan fuliyay sido kale qodobo kale oo aan balanqaday iyo kuwa aan balanqaadin ayu yiri Mudane Farmaajo.


Waxqabadki Xukumadi Tayo Somalia ku soo siyaadisay mudadi 6 bilood ahaynd


Waxaan Dhidibada u tagay Tv qaranka Somalia oo mudo 21 sano ah hawada ka maqnaa

Waxaan joojiyay Diyaaradihi la iska qaadan jiray ee ay ku bixi jirtay qaarshaadka badan

Waxaan bilabay in aan shacabka la safro si aan u ilaalino hantida amanada ah ee aan u hayno shacabka Somaliyeed.

Inta aa R/wasaaraha aha waxaan galay 3 safaar oo qaranka muhiim u ahaa waxana safarada badan anu iskaga ilaalin jirnay in aanu nagu bixin qarash badan.

Waxanu sare u qadnay dhaqaalihi Dowlada ka soo gali jiray Dakada weyn ee Muqdiisho iyo Garoonka Adan Cade

Waxaanu ka shaqaysiinay Centraal Bank Of Somali oo ila iyo hada Shaqaynaya

Waxaanu Furnay Xarumo Cafimaad kuwaas oo iskugu jira kuwa Shacab iyo Kuwa Milatary

Waxaan Mamnuucnay Hubki Sharci darada aha ee Magaalada Muqdisho la iska qadan jiray

Waxaanu dib uu habeyn ku sameynay dhaaman Wasaaradaha Dowlada kmg ah oo waqtigi aanu imanayna lahayn xata File lagaliyo Warqadaha

Waxaanu Kordhinay Shaqaalaha ka shaqeeya Wasaaradaha Dowlada kmg ah

Kooxda Nabadiidka ah oo markaasi haysata 100/70 Magaalada Muqdisho waxaanu ku dhufanay dharbaaxo waxanu la waregnay 100/80 Magaalada

8 bari ka dib Xukumadeydi ayado aan si ficaan xilka u warejiin ayaa Shabaab Muqdisho ka baxay dhawicii aanu u gaysanay darteed.

Waxaan marki kowaad Taarikhda Somalia si ficaan iskugu xirnay Shacabka iyo Dowlada Somalia

Waxaan bilownay dhismaha Wadoyinka Muqdisho iyo galinta nalal Iftimiya

Markii aan qabanayay Xafiska R/wasaaraha wax lacag ah oo aan ugu imid ma jirin Waxaan markii xilka aan ka tagayay uga tagay khasanada Dowlada $7.5 Million

Intaas iyo in kabadan ayaan ku qabanay Mudadi 6da bilood ahayd ee aanu Xafiska jognay.

Hadad i dorataaan waxaan qaban doono

Waxaan raaci doonaa sharuucda Alle iyo kuwa shacabka (Dastuurka)

Waxaan wadashaqeyn toos ah la yeelan doonan Hayadaha Qaabilsan Sharci dajinta sida Barlamaanka

Waxan balanqaadayaa inay heli doonan Baarlmaanka Xuquuqdooda oo dhan sida deegaan Gadiid iyo Wax walba oo Muhiim aha sida Mushaharka

Waxaan balanqaadaya in aan bixin doono Mushaaradka 10ki bilood ee aan la siin Musharadka barlamanka Somalia waxana xaquuq ay leyihiin Xildhibaandi hore waxaan ugu dari doona lacag howlgab ah.

Waxaan dhisi doonaan Hay,adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha

Waxaan si weyn u dhisi doonaa Wadooyinka iyo dhaaman kaabayaasha Dhaqaalaha

Waxaan dhisi doonaa Ciidamada Amniga oo nooc walba leh dhul Bad iyo bari

Waxaan Sammeyn doonaa Dib u heshiisiin Qaran oo aad u balaaran oo garaysa Gobol Dagmo ila heer tuulo

Waxaan Horumarin doonaa Kabida Dhaqaalaha Dalka iyo Mashaariic Howl fulineed oo badan

Waxaan Dhiiri gelin doonaa in aqoonyahanada Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya

Waxaan Soo celin doonaa Qaxotiga Gobolka Jooga

Waxaan Dhaqan celin u sameyn doonaa Caruurta La kharibay

Waxaan Qeyb muhiim ah ka noqon doona Ururada Calamiga ah iyo kuwa Gobolka

Ugu danbeyn Aniga wa la iga fican yahay Gabayga iyo heesaha sida Adeerkay Abasadoor Cadow waxaan ku soo xiraya Dardaaran kaabon oo ku socda Xubnaha barlamanka Somalia.

1 Soomaaaliya waxay manta mareysaa meeshii ay maraysay xiligi Gobonimada oo kale waxayna u baahan tahaay in la raadiyo Midnimada iyo Sharafki qaranka Somaliyeed iyo sidi wadankan lo samatabixin laha .

2 Malinta isninta ah Waxaad kala dooraneysaan Badbaado Qaran iyo Burburis Qaran

3 Malinta Isniinta waxad kala doranaysa Jiritaanka Ummada Somaliyeed iyo Jiritaan la,anta Ummada Somaliyeed

4 Waxaad kala doranaysan Mustaqbalka Dhowr Musharax iyo Mustaqbalka Ummada Somaliyeed

5 Waxad kala doranaysan Maslaxada Shaqsi Musharax ah iyo Mustaqbalka Caruurta Somaliyeed




6 Mudaneyaal iyo marwooyin Fursada manta aad haysataan ee aad ku kala doranaysaan Hogaanki Somalia badbaadin laha ma ahan mid mardanbe idin soo maridoonta




8 Fursada Maalinta Isniinta ah idin masoo marii doonto malinta talaadada ma helidoontan




9 Go,anka aad qaadato Malinta Isninta ah talaadada ma socelin kartid




10 Waxaan idin Xasuusinaya in aad u dharateen in aad daacad ugu shaqaysan dadka iyo dalka Somalia




Waxaad maalinta isniinta ah qori doontaan buug Taarikhda Somalia baal dahab ah ka gala ugu danbeyn waxaan idinka codsanaya in aan maalinta isniinta ah codkiina isiisan si aan idinkala shaqeeyo samatabixinta qaranka Somaliyeed ee aad manta u taagantihiin.










Khudbadii Farmaajo oo ahayd mid ka mid ah Khudbadihi ugu dheere ee Musharaxiinta ay jeediyaan ayaa waxay siweyn shucurtooda u kicisay Xubnaha Cusub ee Barlamanka Somalia iyo waliba Malaayin dadweyne Somaliyeed oo ayagu ka daawanayay Khudbadaha Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Somalia.




Farmaajo ayaa waxaay khudbadiisa ugu duwaneeyd Khudbadihi kale ee Musharaxiinta waxaa uu inta badan ka hadlayay balanqaadyo uu barlamanka Somalia ka horsameeyay islamarkana u ku fuliyay mudo ka yar 6 bilood waxaana uu shegay in balanqaadyada kale ee uu hada samaynaayo uu sido kale ka dhabeyn doono mida labaad ee khudbadisa xiisaha u yeelaysay aya waxaay ahayd Farmaajo oo marka uu khudbadiisa aqrinayay ay ka muqanaysay kacsanan iyo dareen wadaninimo.

Inti ay socotay Khudbada R/wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo iyo dhamadki Khudbadiisaba waxaa xubnaha golaha barlamanka cusub ay ku soo dhawaynayeen hadalada Farmaajo Sacab badan waxaana xusid mudan in uu noqday Musharaxa ugu sacabka badna marka laga reebo Musharax Salaad Cali Jelle oo khudbadisu ahayd mid cajiib ah isla markana cajiska ka kicisay Xildhibaanadi Fadhiyay Golaha Barlamanka Somalia.




Comments
Render time: 0.03 seconds 4,568,947 unique visits Top