|
Waxaa dhici jirtay inay si hab sami leh lagu
dhameen jiray . waxaa meesha ka dhici jiray
kulan taariikh reeba oo la isku jecel yahay ,waxaa
goobta lagu kala qaadani jiray wax loogu yeero
Gabaati iyo Yarad geel baa lakala qaadan jiray
xoolo ayaa laka qaadan jiray lacag . ninkii aan
awoodin sharaftuu gabadha ku soo doontay ayaa
lagu siin jiray waliba xoolo ayaa loo gooyn
jiray halkaas ayuu reerka ku dhaqan jiray
Gabadha libixyaay waxaay qiima ween ka laheed
Cida laga Guursaday waxaay isu keeni jirtay laba
qabiil oo aan hore isu oqoon waxaa meesha ka
bilaabmi jiray wax ladhaho { XIDID } xidid maxuu
yahay waa xidhiidhiye laba Qabiilo gabadhu
waxaay aheed mid aan ciyaar lagu aroosi jirin
ciyaarna lagu furi jirin Waxaa ceeb ween ka ahaa
Gabdhaha somaaliyeed agtood ina lafuro waayo
Furiinku wuxuu ahaa wax ceeb ka ah bulshada
somaaliyeed , hadii uu dagaal soo dhexgalo cida
waxaa inbadan la isku dayi jiray in la xaliyo
waana lagu guulaysan jiray .ninka raga wuxuu u
dulqadan jiray ama u samri jiray Xaaskiisa
waxaanu eegi jiray ubadkeey dhaleen .gabadhuna
waxaay aheed gurigeeda dhaqato gaari dumar ah oo
lagu soo hirto hooygeeda .
waxaana cidna daah ka saarneen in 1980kii waxii
ka horeeyey dadku ahaayeen umad xishoota oo
cabsir rabi ku jirto,waxay ahaayeen dad isu
daacad ah waxaan uga socdaa . DUMARKII
xigiligaas jiray ragu way isku dili jireen Waayo
Qiimo ween ayaay lahaayeen Hadaba Maxaa Badalay
GABDHAHII XILGAAS JIRAY .??
WAXAA BADALEY IN ILAKAHA LA ISKA DAADINAYO
LA SOCO QORMADA IYO BIYO DHACEEDA
Q 2AAD
-------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
-------------------------------------------
|