NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 
 

 

JACAYLKII  TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO QIIRO DIISA

ileen jacaylku waa nacab, dhuux iyo lafaha gala ,

dhagar qabe dadkaba dila ,dheel dheelna kuma baxodheeraa wada wadankuna

fogaa walabaaharku kulaal . aniga iyo macaantayduwaxaan iska hay sanaa

gacanta ileen markay dadka isjecl ay safar wada galaan aad ayaa la isul sii jeclaadaa waa aduunyo aan la ogeen bari waxa dhici doona gacalisadaydu waxay marksta ileedahay ,dad is raacoo aan kala raysan karin runtii waa inaga anigua waxaan leeyahay yaa cayuuni rabanaa yakhalik macaaney dhib iyo dheefba waan kula qaybsanayaa haka baqin ,

waxaan dareemaya markaan xasuusto jacaylku heerkuu iga gadhay , sifiican indhahagay uma siinkaro macaantayda ,

waxaa hore loo cadeeyey jacaylka markuu hayo raga waxaa kale uma muuqdaan ilaa gabadh uu jecelyahay mooyee , balan wuxuu inoo yahay bad baadiyo salaane axdi baajin maayee adna haygu bayli hin, wakhtigu wuxuu ku socddaa xawaaare aan la dareemen waxaa nahaysa qiiro ah goormaad dantiina gaadhi doontaan anigoo isku qancinaya maxaad kaa maqan adiga iyo fiyoorahii indhahgu waad wada socotaan arinkuna wuxuu marayaa Dad jacayl wadaagoo waji kala sugaayiyo walaalaha is doortaa ma wiiqaan kalagacalkee waxaa naftayda kula dardaarmay in aad haysto qoftaan aduunka ujeclaa dareenkayguna wuxuu isheegay inaa ahay qof nasiib badan oo sita tooshkii naftiisa ilayskii indhahiisa dookho waa cajib waxaan kal sooni buuxda ka qabay macaantayda waxaanay kala go'aan ku gadhanay inaan noqono ul iyo diirkeed waxkasta oo na soo wajahan aan shafka u dhigano anagoo isku duuban calaf iyo wad mooye waxaan isku buux sanay aniga iyo macaantaydu sacaada qalbiga waa aduunyo oo lama wayo xaasid jacayl ama laba qof oo isjecel qof soo dhexgala oo kala dila laba is jecal lakiin aniga iyo qalanjadaydu marnaba ku maan seexan kuma soo toosin waa la isku kiin diri inkastoo ay dumar tahay oo aad ay isaga maan gaaban yahiin dumarka

waxaan ku jirnaa saraf aad iyo u dhareer badan waxaa na sugaya baaxad waynta lama dagaanka Suudaan iyo Liibaya sidaan hore u soo sheega waa xarash iyo madax ama ku nasiibso waa duni sirgacanoo aakhira sabaanee ilaahoow na sama bixi

waxaan isu diyaarinay safarkii dheeree waxaan kiraysanay gaadhi cabdibila ah waxaana ka dhiibnay lacag dhan 450 oo xiligaas u dhigantay lacagta suudan {1150,000} waxaan gadhiga ku fuulay 27 qofood waxaan qartuum ka soo baxanay habeen jimce ah saacadahii danbe waxaan soo dhex qaadnay jidkii dheeraa ee saxaraha lama dagaanka ah ee u dhexeeyey suudn iyo liibay waxaa nala socoda 2 cabdi bile oo kale oo tahriibta oo ay saaran yahiin somali aniga iyo saaxiibtay dhinaca ayaan isku qabsanay waxaan jidka ku jiranay mudo gadhaysa 48 saac waa laba habeen iyo laba maalin habeenkii isniintu soo galaysay ayaa waxaa naga xumday goor maqrib ah gaadhigii aan wadanay waxaan nagu cadaatay talo qof qof lahadalaya malahan waa la wada daalan yahay gadhigii ayaan ka dagnay dhamaanteen hoostiisa ayaan iska fadhiisanaya mudo saacada ah markaan fadhinaya ayaa wuxuu fara fareeyaba gaadhigi noo hagaajiyaay inkastoo hashkad wayn uu lahaa ama tartaraayay sidaad u taqaana,waxaa lagu jiraa marxalad aad u liida ta qofkasata oo naga mid ahna wuxuu isu taagay salaatu shukri markaan tukanay kadib waxaan iksu gurnar gaadhigii sidaad ogsoontahay majiro gaadhi kuu istaagaya haduu kaajabo gaadhigu waa sharci saxaraha u yaal adigoo lagu yaqaano oo hebel ah ayaa lagaa dhaqajinayaa waanay naga ordeen 2labdii cabdibile ee kale si aanaan riski ugalin ayagana xumaana ka ma ahee waa go'aan ay gadheen dadka tahriibasha ah ,

Waa habeen goobtu waa saxare lama dagan ah , cirka iyo dhulka ayaa is haysta waa gudcur madoow waxaa jira qaboow aad u daran meel la dugsadaa ma jirta waxaad dareemaysaa culees wayn oo soo food saaray nolashaada cidkaa caawinkartaa mah jirto aan ilaaheena wayn aheen qofkasta oo naga mid ahi wuu is dhiibay , waxaanad darameeysaa cidhiidhi wayn ayadoo noo dheertahay daal iyo walwal siyaado ah, waxaad xasuus ugalaysaa aduunyo maad joogtaa mise aakhiro xaaladuna waxaay maraysaa i bixiyoow iga bad baadi , waxaa maqraati madoon ah in ay ku hor imanayso noloshii aad hore uga soo gudubtay ,

waxaana ku hor imanayaaya waxaad hore u sameen jirtay waxuu gaadhigu nala soo tukuba ama qunyar nala soo socodo waagi ayaa noo baryaay jidkii ayuu ka dhumay waxaan iska soo tawakalanaba , waxaa meel dheer noogu muuqatay dhir iyo guryo waxaan soo taagtaagsano waxaan afka soo saarnay dhankii tuulada waayo waxaan nahay nolol raadis waxaan soo shamaaxino waxaan soo gadhnay tuulada oo magaceeda ladhaho{KUFRA} waxaa ka taliya ciidamada Liibiyaanka gaadhigii ayaan ka daadanay waxaa nala fadhiisayaay geed hoostii qofkastaa wuu gataati dhacay calaashan hurdo iyo daal ayuu ladhacay habeenkii oo dhan waan jiifnay subaxii danbe ayaa nala kiciyaay waxaa cunay xabad xabad rooti ah iyo koob koob shaah waa nala tiriyaay waxaan meesha ku tukunay saladii duhur cabaarkadib waxaa naloo keenay 2 labadii cabdi bile ee kale meesha ayaa nalaga soo buuxiyaya tuulada Kufra waa tuulo xooga iska dhisin waxaay ku talaa xadka Liibay waxaana ku badan oo jooga ciidamo deegan ah iyo dad aaan aad u badneen waa Kufree ,

sidaad ogsoon tahay dadka liibiyaanka ah waa dadka carabta ugu xun waa dad cunsuriyadi ku danbeeyso waxaad ku dhaaranaysaa islaam nimo meel uma soo marto jeelka aan ku jirno waa meel wayn oo dhirbadan lagu beeray waxaa ku dhex taala barkad wayn oo biyo ku jiraan oo laga cabo dhamaantayo waa nala baadhay waxaa nalaga furtay waxaan sidanaya markii gabal ku dhacay ayaa waxaa nala soo saaray gaadhi wayn oo ah nooca loo yaqaano Zwy zadhway aydoo naloo aday tuula ay suudantu dagaan oo la dhaho {XAMRA SHIIKH } dadka meesha aan isugu nimi waxaan gadhaynaa 80 qof hadaanan ka badneen gaadhigii ayaa nalagu soo xaabiyaay waxaa naloo celiyaay dhanka suudaan habeenkii oo dhan jidka ayaan ku soo jirnay markuu waagu soo cadaaday ayaa gaadhigii naga fadhiisatay wuu iska damay qofkasta indhihiisa waxay galeen god afkiisa wuu qarsoomay darawalkii nalagu soo daray wuxuu dhahay waxaa jabtay qasabad naftada qada ee waan doonayaa wuuna naga tagay waxaa nala socod wiil makaanig ah gaadhiggii ayuu talaalay wuuna noo dhaqaajiyaay waxaan afka saaranay saxarahii dhankuu u socoday afkiisu u jeeday gadhigu markaan 30 daqiiqo camal suconay ayuu waxaa qaraxaday bambamada naaftada safaynaysay wuuna iska damay gadhiigi gaadhigii ayaan ka soo daganay hoostiisa ayaan iska fadhiisanay waxaa ku tasha naya inaan iska dhaqaaqno oo gadhiga afkiisa meeshuu ujeedo aan afka saarno ilaa inta naftu inagu jirto aan socono hore ayaa loo yidhi Raga socodku waa u door haduu moowku daayo dumarka nala socdaa waxay gaadhayaan ilaa 29 dumar ah dhexda ayaay xidheen waxaan baadhis ku biloow nay gadhigii waxaan ka helanay karaatoon tamadho qasac ah oo bogosyo k jirta qofkasata oo naga mid ah dhoower xabo ayuu hore u soo qatay socod ayaan iska biloow nay waxaa gadhaadhiga nooga hadhay hal wiil oo lugaha xabado ugu jiraan inteenii kale waan iska soo dhaqaajinay waad ogtahay bacaad sida loogu socodo way adagtahay murqaha ayaa ku taagmaya hadana naftu soco ayaay ku leedhay waxaan soco no waxaa noo dhacay gabalkii habeenkii dhulka ayaa laga jeexaa bacaadka ayaan qodnay waan dhex galnay dadka intii daalneed marka salaada subax aan tukanay ayaan soo dhaaqaajinay waxaan gadhanay meel buuro buuro leh meeshii ayaan ku tuka nay jamalka hoostiisa ayaan iska seexanay macaantayda ayaa waxay ugu dhahaday

ma ogtahay qofku markuu xaafidul quraan yahay silic uma dhinto ...waan xaqiiqsaday qofksata markuu afku siku dhago ayuu yaanyo shiishida afka saraayaa anagoo jamalka hoostiisa fadhina ayaa waxaan araganay boodh meel fog ka kacaya dadku waa is daba socdaan tarab tarab ayaa loo yaalaa waxaa ugu horeeyena ilaa 13 qofood lakiin waan isu muuqanaa qofkasta waxaa lumay suuradiisa wajiga waxaana ogaaday in biyo laantu ay qofka korkiisa ku keento dildilaac dibnaha ilkaha ayaay ku dhageen indhahuna go dheer ayaay ka soo jeesteen afkayga hadii ciid lagu shubo waxay toos u gaadhay saa calooshoos waayo dhuuntu waxaay noqottay tuubo oo kale wax qoyaani kuma jirin dadku qof afka isku hayaa majiro waa la haraar yoonayaa waxaana ku ducaystay ilaahoow aan biyo cabin ha idilin

boodhkii wuu soo dhawaaday waa duhur dheer ilaa 2:00 duhur nimo indhahu meel dheer wax kama arkayaan lakiin waxaan dareenay inuu gaadhi yahay waxaa boodhka ki ci nayaa dadku waa kala fog fog ayaahay waxaa jirta dadka qaar xagii gaadhiga dib ugu noday boodhkii ayaa soo dhawaaday waxaan isu taaganay saaltu shukri gaadhigii ayaa noo yimid qofksta oo naga mid ah far waa dhaqaajin wayaay gaadhigu waa gaadhi wayn oo ZWy ah sadha way ah .... oo raashin sida waxaan nala siiyaay liin qasan oo juus ah oo sonkortu ku yartahay anigu waxaan aad ugu barayaay saaxiibkay plz biyo isii waxaa ii daraa biyo aan cabdee cabaar ayaa meesha dadka qaar ayaa faleebo lagu qabtay dadka inteena badan waxaa na bad baadiyaay 3 gaadhigo oo wada socday oo laga lahaa suudaan oo zadhway ah laba wiil oo naga mid ah waxaa bad baadiyaay diyaarad nin talyaani ah leeyahay oo ehelikabtar ah dhamaantay waan isku dhaganay waa la isku ilmeeyeey qofba qofku wada talaabsanayeen ayuu ku dhagahay ileen farxadu waa ta ugu ilinta badan ilaa habeenkii danbe oo nala keenay tuulo la dhaho{ CADRUUM } waan isku ooyaya nay

waxaa nala keenay cadruum oo aad u fiican waxaa dagan askarta suudanta ee xadka ilaalisa sidaan hore idinku soo shegay suudantu waa axsan naas waa dad aad u wanaagsan , gawadhiidii na badbaadisay hore ayaay isaga sii socotay meesha ay daganaayeen ciidanka Suudan ah waa Cadruumee aad ayaay noo soo dhaweeyeen waxaanay dadka intii bilaa tamarta aheed ku xidheen faleebooyin anaga waxaa nala siiyaay casiiraad badan suudaantu waa dad aad u naxariis badan walaahay liibayanka iyo askarta suudanta waxaa u dhexeeya farqi wayn , waayo askartii suudanta ee cadruum joogtay wayna badbaadiyeen qofkasta jeebkiisa ayuu lacaga iskaga qorayaay waxaa naloo keenay raashin qudaar waxaa naloo qalaayaay xoolo intaan meesha ku xidhneen .

kawaran liibayaankuna xoogaagii lacagta aheed aan sidanay ayaa guntiga kala soo baxeen oo naga furteen waa jaahiliin waa cunsuriyeen waa carab dadka ugu xun ,

suudanta waa dad dayib ah siday noogaleen ayaan marna ilaa ween waxaanay noogu hiiliyeen diirka madoowga ay yahiin walaahay hore ayaa loo yidhi walee diirka ayaa la isaga naxaa ayaan maqli jiray

aniga macaanteed waxaa nala kala geeye laba jeel qeebta dumarka dadka is jecel waxaa ku caan yahiin inaya aad arigtoodu isugu badto waxaan nahay aniga macaanteed jacayl soo rafaaday daal iyo haraad badana soo wada arkay ayadoo nolashu kuma caantahay marka aad xortahay ee aadan jeel ku jirin inkasta oo jeelku nooga dhignaa dadkayagii xidhneela ee la bad baadashay gurigeena waxan xidhneen mud gadhaysa ilaa {mudo bilka badan } waxaa naloo gudbiyaay Qartuum qofkasta oo naga mid ah wuxuu la xidhiidhay cidiisii waxaa wakiil na looga soo dhigay dad jooga Qartuum waxaan meeshaa ku sii xidhneen mudo gaadhaysa {;45 maal mood } waa nala xukumay kadib waa nala sii dayaay dhamaanteen maalmo ayaan joognay aniga dhalin yaradii kale macaantaydu waxaay sida tay basaaboorkeeda oo ciqaamo u saaran tahay dhiln yarada intii ciqaamo laheed waxaay hore ka soo goosteen tigidh masar ah anigu waxaan ku soo hadhay Qartuum maalmo ayaan ka danbeeyey dhalinyarada waxaan soo qaatay baasaaboor jusul qamar ah oo ku soo galay wadanka masar , qaahiro waxay agteedayda ka tahay newyork waayo waxaan soo arkay wadamo somaliya ka sii liita oo aad u rafaadsan ....................................

LASOCO Q 3
 

W.D C/nasir ahmed qayre {abtiga Raganimo}

E-mail koyla571@hotmail.com

------------------------------------------------

W.D: Abdi Naasir Qeyre.{Abtiga}

 

E-Mail:-Kolya571@hotmail.com

----------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.