JACALKII
TAHRIIBTA GALAY EE QAAHIRO
WAXAA
MAKHRAATI MADOON AH ILAA 1990KII WAXII KA DANBEEYEY IN
DALKEENA HOOYO AMA SOMALIYA AY KA DHACEEN DAGAALO SOKEEYE OO
AAN DHAMAAD LAHAYN WAXAA LA SOO MARAY DURUUFO ADAG DADKII
WAXAA KU ADKAATAY NOLASHII WAXAA SII XUMAATAY NABADII WAXAAN
DADKII OO DHAN AMA DHALIN YARADII OO DHAN KA NIYAD JABAEEN
DALKEENII HOOYO DAGAALO KA OOGAN DARTEED ,
SIDAAN WADA
OGSOONAHAY DHALINYARAD SOMALIYA 1992 INTII KA DANBEEYSAY WAXAY
U DHAQAAQEEN SIDAY SOMALIYA UGA BIXI LA HAAYEEN WAXAANAY DADKU
UKALA YAACEEN DUNIDA AFARTEEDA DACAL INTII AWOODI KARTAY WAXAY
KU BAXEEN DIYAARDO YURUB HA U RACAAN AMA WAQOOYIGA AMEERIMKA
INTA SOO HADHAY WAXAY KAGA BAXEEN DALKA TAHRIIB QAYB YAMAN IYO
SUCUUDIGA DOONYO U RACA IYO DHANKA SAXARAHA DHEER EE SUUDAAN
SOO TUMA OO LIIBAYA ISKU SOO SHUBA INTAA WAXAA DHEER DAD KU
NOOL WADAMO KALE SIDA EMARATKA SUURIYA BAKASTAAN IYO MASAR OO
JAALIYAD AAD U BADAN JOOGTO WAXAANA DALKII LOOGA BAXAY NINBA
TAAG TII HA TALAABSADO QOFKASTA TAMARTIISU HALKAY GEEYSO AYUU
AFKA SAARAY DADKU WAA NOLOL RADIS , HADAAN HOOS UGU SOO DAGO
NUXARKA SHEEKDA LAMAGA BAXADAY JACAYLKII TAHRIIBTA GALAY EE
QAAHIRO
jacalku waa
raaxo iyo nolol qofkastaa markuu abuurayo jacayl waxaad
aragtay siyaabaha uu u dhaqamayo waayo jacaylku waxuu kobciyaa
maskaxda qofka shaabka ah , sifiican ayuu isu diyaariyaa
dharfiican ayuu xidhaa baarafuunka ugu khatar san ayuu
isticmaala xooga jajab ah calashaan lacag ah ayuu jeebka ku
sii waayo shubtaa si uu cafteeri fiican ama xadiiqo fiican u
fadhiisto waxaa ka muuqda farxad aan dhamaad lahayn ilaa intuu
la kul maayo amoorihiisa ama gabdhuu jecel yahay, waayo
jacaylku wuxuu nuuriya dhalinyarada waana lagu darimikaraa
markaad ka timaado shukaansi ama aad u socoto
waxaan u imid
gabadhaan ifka ugu jecalaa oo gacanta bidix hore u sii
qabsaday ilaan gacanta bidixdu qalbigeey u dhowdahaye , iyadoo
aad u nuuraysa ileen gabdhaheenu somaliyeed meelkasata oo ay
joogaan markay diraca bacwayna ah soo qaataan aadna isu
diyaariyaan ama xafalad ha u socdaan ama aroos ha adaane aad
ayaa ugu qurux badan yahiin nuur calaa nuur , waa waxaan ku
raacee iyado xaraga tiicaysa ayaan waxaan hore ka raacanay TAX
anagoo usii jeedna West Baladka ama dwon tonka waa Qahire
,waxaan balan ku kala qaadanay inaan calaf iyo wad mooye cidi
na soo dhex galin waxaa macaantaydu usheegay inaan baxaayo oo
aan tahriib gaaliyo aniga iyo dhalinyarda ila dagan aan
israacayno dhanka Suudaan kadibna aan isku shubayno Liibaya
hadii aan moowdku nadaayo ,
waxay gacanta
saratay dhabanka waxaana ka timid ilen waxaan fadhinaa meel
cafteeri ah qabta loogu talagalaya lamaanaha iswata oo uu ka
shidan yahay nala cagaar ah iyadoo ilantu ka socoto ayaay
igu soo celisay hadal qalbigeeda ka soo gacay waxaanay igu
jawabaatay macaanoow maxamu inaad tahriibto lakiin yaad iiga
tagaysaa aniga,
kol hadaanad
diyaaarad racayn oo aad tahriibayso macaane inaan kula dhinto
ama kula noolado ayaan rabaa meel aan kaago hadho majoogo
waxaan igu cadaatay talo waxaan isku dayaay inaan fahansiyo
inay tahay meeshaan maraynaa saxare lama dagaan ah oo
aan waxaan ;akulmi doono ilaahay oga yahay dhankasata oo
aan wax ka tuso waay iga qadan waday waxaan ka fursan
wayaay inaan israacno waan ka aqbalay inay iraacdo nolashan
ilaah baa haya safarkuna waa midka ugu adkaa Saxaraha iyo Bada
, ibixyoow iga bad baadi weeye xaalku gaadhu waxay usheegtay 4
gabdhood oo guriga ladaganaa waxaanay 5toodu isku waa faqeen
inay naaracaan ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Waxaan nahay
dhalinyaro aad isu jecel oo rag iyo dumarba leh oo dagan
magalada qaahiro sidaa lawada ogsoon yahaya qaahiro waxaa loo
dagaa qayb qayb raga way wada dagaan dumarkuna way wada gaan.
Waxaa qofna daah ka saarneen in somalidu meelkasta oo ay
africa ka joogto niyadooda ka maqneen dhoof, in uu ku fakaro
siduu africa uga bixi lahaa haduu awoodo iyo hadii kaleba ,
qofki arkay qaahiro ayaa yaqaane qaahiro waxay leedahay hal
wado ama hal jid oo laga soo galo laagana baxo waa madaarka
qaahiro , 2003kii ma jirin sida qaahiro tahay hada masar way
iska ka xidh xidhneed mayjirin layman sidaas u badan oo lagu
baxo waxaa dadka soo martay fursad lagu tahriibayo oo lagu
aadayo LIIBAYA waxaa lagu bixi jiray basaaboor JABUUTAN ah ,
waayo
baasaaboorka somalidu wax qiima ah mala heen meel dunida lagu
adikarana majirto . baasboorka jabuutaanka ah qaali ayuu
noqday waxaanu qiimahiisu gaadhay 1000$ ilaa 1200$ waxaa soo
xidh may xadkii u dhaxeeyey
MASR iyo
LIBAYA oo lagu fahamay basaaboorka jabuutaan ka ah in lakala
iibsado oo uu fujis yahay , mudo 6bilood ah ayaay magaaldu
xidhneed waxaan nagu soo dhacaday inaan tahriib galno
tahariibtaaso oo aad iyo aad u dheereed waxaaan go'aan ku
gaadhnay ku faataxaysanay inaan SAXARAHA SUUDAAN dhex qaadno ,
suudaan waa
wadan aad u wayn waxay xad la leedahay wadamo aad u badan
waxaa ku yaala saxaraha ugu wayn waqooyiga afirka waxuu
udhaxeeyee LIIBAYA MASR IYO SUUDAAN .dhulka intiisa badan
saxaraha geed malahan, wado lamaro malahan, wax xaywaan ah oo
kunool malahan waa meel aan geed lahadhsado iyo meel loo
ciirsado lahayn haduu gaadhig kula jabo nolasha dhan waad ka
samaraysaa waxaa ku hor imanaaya aduunyada oo dhan waxaan is
waydiin naysaa tolol ma noolaandoontaa , adigoo isku ciilkaan
biyaaya aad dhimatide yaa dadkii kaa gadh siyo sida silica leh
ee aad u dhimanayso waxaana dadka dila haduu gaadhi lajabo
haraad iyo qorax haday samar tahay, hadii kalana qaboow ayaa
dila, ileen markaad Saxaraha joogto cirka iyo dhulku way is
haystaan aduunyo meel ay kaa xigtana ma garanmaysid alahayoow
na sama bixi ileen meesha dadku ku noolyahay ayaa xaywaankuna
joogaa cidlooya wahel baa layidhi tane aduunka waxaa la isu
qurxiyaa ama la is qaad qaadaa waa markaad nolasha arkaysid
qofku wuxuu
iline aan cawinaad lahayni ka tamidaa markuu meel aanu cidna
habelow ka yidhaahdo joogin nafeey cartan wayn qofku doonay,
ku waa
saxaraha waxaa ka baxa nin ducaysan iyo nin nasiible mucjisad
aan saxaraha ku araganay hadaan wax kii taabto saxarahu wuxuu
leeyahay duufaan wareegaysa labad qof ee wada socda markay
dabayshu ku timaado hadii uu qofba qofka kale uu taabto ama
gacanta saaro waxaa korkiisa ka kacaysa maanso koronto qof ay
qabtay camal indha ilintu way kaa dhamaan dibnaha waad isku
qaban waayi waayo afka waxa qurxiyaa waa waa dibnaha haday
biyahu ka dhamaadan afka dibnahu waygudhaan ama biyaha ayaa ka
dhamaada indhaha baalasha way kaa duulayaan waxaas oo dhan
waxaa u sabab ah Saxaraha ku caan bacay FUNDUQ SAXARAA waa
meel aduunyo iyo aakhiro meel aad u socoto aanad aqoon bini
aadanku waa diciif adiga iyo dharka aad isdato ayaa is
dhibsanaya maalintii waa waa banaan cidla ah oo kuleel aadan
socon karayn habeenkiini qaboow gu wuxuu gaadhaa in jidhaakagu
kuleel isu badalo ibixiyoow iga bad baadi
01/01/2003
ayaan waxaan ka dhaqaaq naya casimada Masr waa Qaahire, waxaan
xaafada caanka ah ee Qadartuuni uga baxanay 9wiil iyo 5
gabdhood waxaan ka baxanay subaxii Bas wayn oo ah nooca
dalxiisayda waa Subar jat nooca loo yaqaan 14 ruux ee wada
socdaa aad ayaan u farax saneen hadan aad iyo aad ayaan isugu
kalsooneen waayo waxaan ka soo wada baxanay 9kayga wiil hal
guri 5 gabdhoodna sidoo kale waxaan ahayn dad isku duuban oo
aad iyo aad isu daneeneynayo , aniga iyo lamaanahaygu waxaan
wada fadhiisanay kurisaga dhexe baska waxaan habeenkii oo dhan
soo saarneen baskii waxaan soo galnay Aswaan 08:30 subax nimo
anagoo xoogaa dhafarsan waxaan kiraysanay huteel halkii ayaan
maalinkii iska jiifnay waxaan huteelka ugu tagnay dad somali
ah oo iyna qaahiro ka soo baxay waxaan huteelka kaga taganay
markaan qubaysnay gabadhahii waxaan hore ka aadnay Qunsulka
Sudan u fadhiya Aswaan cabaar ayaan meesha la sheekay sanay
Qunsulka isagoo nagula kaftamay Sudaan Waa meel aad u kulul
maxaad ka doonaysaan waxaanu nasiiyay fiisooyinkii iyadoo
halkii nalaga reebay hal wiil oo ka mid ahaa 26qof oo reer
masr ah oo aan is naqaano oo iyana ku jiray habaqlaha
tahariibay ee saxaraha dheer dadkii ayaan meesha ku
sheekaysnaynay waxaan isku noqonay marka la isku kaayo daro
40qof oo isugu jira Rag iyo Dumar
waxaan subaxii
03/01/2003 aan markab ka raacanay Magaalad Aswaan Waxaan bada
ku sii jirnay habiinkii oo dhan waxaan ka dagnay magaalad
Waadi Xalfa oo suudan ku waa subax talaado waxaan hore ka
galanay inaan raadino meesha sida looga bixi lahaa waa Waadi
Xalfa ee waxaa naloo sheegay inay Xalfa ka baxaa Tareen iyo
Gawaadhi xamuul ah oo ah nooca loo yaqaan ZY,
waxaana hore
ka camiranay 40kayagii qof gadhi Zy ah ,
galabtii hore
ayaan ka baxanay Xalfa habeenkii oo dhan waan sii soconay
maalinkii kalana waan sii socanay, Waxaan galanay Qartuum
subixii danbe oo Jimce ah waxaan taganay Meel aad iyo aad u
Rafaadsan waxaan isku dhacanay darawalkii gadhiga waday isa
goo leh waxaad joogtaan Qartuum ee iga daga , Qartuum waa meel
aad iyo aad rafaadsan Waa meel kuleel lakiin anagu waxaan ku
aadnay xili qaboow ah ,
wiil ayaan
wacanay Qartuum jooga wuu noo yimid 40keeni qaahiro waan kala
jabnay waxaana ku balanay bixitaanka , 14 kayagii qof ee hore
u wada socday waan isracanay intii kalan waay is raaceen ,
qartuum wayna soo dhawaysay waxaan jooganay 3maalmood
Caasimada Suudan waa gacanka maroodigee ama Qartuume, dadka
reer Suudan aad bay noo soo dhaweeyeen waxaan meesha nalooga
bixiyaay 40ka qaahiro ,
Suudanta degan
qartuum waa Dad aad u saciim ah oo aad u wanaagsan khaasatan
intaan la kulanay ,Qartuum waxaa looga baxaa Gawaadhi nooca
loo yaqaano Lankuriisar ama nooca somalidu u taqaan Cabdibile
cabdi waxaa Qartuum ku arkaysaa somali badan oo ka soo
qulqulaysa dhanka Etoobiya oo koox koox isula socota oo afka
ku sii haya Saxaraha lama dagaanka ah, ayagoo hiigsanaaya inay
galaan Liibay ,
Sidaan wada
ogsoonahay waa laba masiibo hadaad saxaraha ka gudubto waxaa
kuu taala oo ku sugaysa doonta bada iyan waa saxarakale waa
kud ka guur oo qanjo uguur ,
hadaan sii
wado sheekada waxaan raadinay dilaalo si aan u raaco Cabdibile
aan saxarahar ku marno .nasiib wanaag waxaan helnay nin aad u
fiican oo darawalna ah oo meeshan dilaal wayn ka ah oo ku
magac dheer Digir ama ilkacase
waxaana meesha
ka bilownaya gorgortan waayo waxaan nahay dad isku xidhan ,
gaadhiga Cabdi bilaha ah waxaa lagu fuulaya 33 qof oo rakaab
waxaana lagu racaa lacag gaadhaysa 450$ oo u dhiganta
1,200,000 halyan iyo laba boqol oo kun oo lacagta suudan ah
qofkasta oo naga mid ah wuxuu iska diyaariyaay lacagatan
gaadhaysa 450$ waxaan gaadhi u dirsanay Digir si aan isugu
diyaarino socaalka dheer ee Saxarahar u dhaxeeya
Liibay iyo
Suudaan.
ileen jacaylku
waa nacab, dhuux iyo lafaha gala , dhagar qabe dadkaba dila
,dheel dheelna kuma baxo
dheeraa wada
wadankuna fogaa walabaaharku kulaal . aniga iyo macaantaydu
waxaan iska hay sanaa gacanta ileen markay dadka isjecl ay
safar wada galaan aad ayaa la isul sii jeclaadaa waa aduunyo
aan la ogeen bari waxa dhici doona gacalisadaydu waxay marksta
ileedahay ,dad is raacoo aan kala raysan karin runtii waa
inaga anigua waxaan leeyahay yaa cayuuni rabanaa yakhalik
macaaney dhib iyo dheefba waan kula qaybsanayaa haka baqin ,
waxaan
dareemaya markaan xasuusto jacaylku heerkuu iga gadhay ,
sifiican indhahagay uma siinkaro macaantayda ,
waxaa hore loo
cadeeyey jacaylka markuu hayo raga waxaa kale uma muuqdaan
ilaa gabadh uu jecelyahay mooyee , balan wuxuu inoo yahay bad
baadiyo salaane axdi baajin maayee adna haygu bayli hin,