NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 
 
 

JACAYLKA QAAHIRA IYO DHALINTA MAANTA EE SOMALIDA REER MASAR HAYSATA. Qebta 2-aad.

hadaba gadhaheenu waa dahab waa dumar xishood badan dookhoodu helis yahay

midibkood dhiinka maariinka laga helay dunidaba ku caanka ah ,

Axsan Naas gadhaha lama dagaalee waa la soo dhaweeyee

hadaba Waxaan wada ogsoonahay dhalinyarada qaahiro ku nool waxay ugu dhacado sheekadan inta badan raga iyo dumarba waxay isku qanciyaan ayaamaha soo socda ayaad bixi doontaa , sidaan hore ba u soo shegay waxaan halkaa ku luma wakhtigii macaanaa ee ay wada qaadan lahaayeen lamaanaha isjecel , ayadoo taasi u dhiganta in qofba qofka kale ku meel gaadhayo ma aha in wiilku uu isla wayni ku jirto ama gabadha isla wayni ku jiro oo midba midka kale u qalimin, sikasta oo labada qof isugu qalmaan isu qanciyaan isu jecel yahiin hadan qofba qofka kale quwadiisa lama tusin , ileen qalbina laba jacayl ma wada qaado, qofkasta oo aduunka ku nool wuxuu leyeehay dareen usheegi kara qofka naftiisu rabto haduu nasiibku u saamaxo inuu qofkuu jecel yahay lakulmo wuxuu kula hujuuma waji farxad iyo naxariis leh waxaanu kala yimaadaa waji ku tusaaya iftiin jacayl oo aad nuurbadan , qofkata ayaa dareemi kara in jacalku yahay naxariis faraxad iyo iftiinka aayahay qofkasata oo aduunka ku nool uu dareemi karo haduu caafimaad qabo, jacaylka iyo faraxadu waxay aad u macaan yahay inta shabaabka layahay fiyoorahay la isu dhiibayo gacanta la is qabsanayo qofba qofka kale sheekadiisu faleebo camal ugu socota waa markay qalbiyadu isu soo jeedan daacadna la isu yahay ee labada qof ee is jeceli is dareensiin karaan waxaay hormar ku gaadhi karaan , hadaba maxaa dareenkii macaanaa ka qaaday dhalinyara deena qaahiro?

waxaa iska cada inaanay dhalin yarada qaahiro aanay niyadoodu isu soo jeedin calaashaan wax xiiso ah ismu hayaan, waxaan dhihi karnaa xiisahu waa ka badh jacaylka dumarka qahiro joogaa ama dumarka afrika hada ku danbeeyaa waxay jecel yahiin dadka ka yimada waqooyiga ameerika iyo wadamada reer galbeedka hadaan dib ugu noqdo wakhtiyadii heero 1988 waxii ka horeeryay ilaa 1970 kii waxay somalidu u dhoofi jireen sucuudiga iyo wadamda khaliijka waxaanay raga ka yimaada loo yaqaanay Janaale ama xaaji wakhtigas waxay ahaayeen dadka ugu shidan somaliya reerkii gabadh uu ka soo doono janaale ha waynaado ama dhex dhaxad ha noqdee hadal lagama galin jirin , hadana waxaa badalay dadka ku nool waqooyiga ameerika iyo yurubta ilaa qarada istareeliya , gabdhaha badankooda masar joogta sikasta oo ay reerkoodu u dhaqan yahiiy waxay niyada ku haysaa ama ku riyootaa goorma ayaad heli doonta nasiibkaga oo yurub ama ameerika ka yimid , waa yaab sowtuu fanaankii ahmed cali cigaal yidhi ,habalahu waxay ku fanaan guri iyo ninyeelee waxa guurkii kugu diray garan maayo anigu ,alloow adaa wayn ma jacaylkii waxuu isugu yimid fursad

lasoco sheekadan QAYBTA 3-AAD

------------------------------------------------

W.D: Abdi Naasir Qeyre.{Abtiga}

 

E-Mail:-Kolya571@hotmail.com

----------------------------------

 

 

 

 

 

 

 

 
 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.