Osmaan wuxuu soo gaadhay gurigii balanta uu kulahaa sidiisaba Osmaan markan siduu u faraxan yahay ma malaysan kariti wajigiisa waxaa ka muuqta aktifnimo firfircooni saayid ah nuurkisa ayaa baxaaya , wuxuu soo foorsho oo soo heesaba Osmaan wuxuu soo istaagay gurigii Manaal cadeey oo xidhiidhiye u aheed Osmaan iyo Raaqiyo Maan shaa alaah sidaan hore u soo qadanay Manaal waa furaha jaceelka Osmaan iyo Raaqiyo daah masaarna taasi , Osmaan wuxuu qabtay gan baleelka guriga isgoo isu diyaarinaya inuu cawa jawaabtii kama danbesta aheed ee jaceelkiisa soo qaato , ileen Raaqiyo waxay ku kala tageen aan ka soo fakaro aboowe jaanis isii waxaa ku tagaan falaadhii balanta ,Osmaan qalbigiisuna wuxuu u sheegayaay inuu hantay oo gacantiisa ku jirto Raaqiyo sida uga muuqatay wajigeeda . sikastaba ha ahaatee wuxuu soo garaacay gan baleelkii guriga Manaal waxaana ka furtay gabadhii yareed wuu salaamay waxaanu hore ka waydiiyaay Manaal iyadoo aan u jaawbin ayaay kijada ka soo baxaday Manaal waxaanay wajiga kaga dhufatay salaan iyadoo u sii raacisay soo gudub aboowe , Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii iiwaran Manaal abaayo caafimaadkag ayaa la iska wareeytay Osmaan wuu is celin wayaay wuxuuna sikaftan ku dhahay abaayo waan naxay waxaan is dhahay Manaal way maqantahay lakiin nasiibkayga ayaa aad u fiicnaa wan ku helay, Manaal aad beey u qososhay waxaanay dhaday aboowe waan ka xumahay waan kugu tashaanaayay inaad imanayso lakiin hoowl yar ayaan hayeey
Manaal way istaagtay waxaanay ukeentay cabitaan kii oo isbiishal ah meeshii ayaay ugu shubtay cabitaankii wuu iska cabay cabaar ayaay sheekaysteen Manaal , wuxuu intaa fiirnayay sacada nus saac markuu fadhiyaay ay sheeko raaxada u qaday Manaal ayuu is celin wayaay waxaanu dhahay abaayo macaaney ,Malaha ma soo socoto Raaqiyo ?
Manaal ayaa ugu jawaabtay aboowe intaadan iman ka hor ayaan wacay guriga way ka maqneed lakiin waxaan u maleeynayay inay dhankagay soo aaday ila hadana ima soo gaarin gabadhaha guriga joogana waxay ii sheegeen inay hoos u soo dagtay bal waan ku celinaa tilka isug aboowe ,
Manaal waxay soo qabtay telka waxaan garaacaday tilifoonka Raaqiyo waa laga qabtay bacada salaan waxay waydiisay Raaqiyo inay timid iyo inkale waxaanay Osmaan u soo gudbisay inay maqantahay . Osmaan aad ayuu u xumaaday wajigiisuna wuu is badalay hadan wuu is dajiyaay isgoo isku qan cinayay , wuu iska aamusay cabaar goortuu fadhiyaay ayaa waxaa yeeray ganbaleelka guriga ama jeleska guriga sidaad u taaqano waxaa ka soo baxay neef isgoo qalbigiisu u sheegay inay tahay Raaqiyo qofka alaabka soo garacay Manaal oo aad ugu xuna maqnaashaha Raaqiyo ayaa booday oo albaabka furtay iyadoo is waydiinaysa toolow ma noqon doontaa . nasiib xumo wuxuu noqday nin masri ah oo sida fatuuro ama boono sidaad u taqaano oo ay Manaal tifoono ku dirsatay ,qalbiga ayaa qac dhahay Osmaan Manaal iyadoo aan hadalin ayaay ninka Boonada ka qaday waxaan hore u gashay guriga iyadoo u soo qaaday lacagta .
Osmaan waxaa ku yeeray muusig aad qalbigiisa u gubaayay waxaanu madaxa u rogay hoos Manaal aad ayaay uga naxaday markay argtay Osmaan siduu u qalbi jabasan yahay iyadoo u malaysay inuu ilmeeynayo, Manaal aad ayaay ugu soo dhawaatay waxaanay hoos u dhahday aboowe macaan waan ka xumay lakiin waxaan ogahay inay Raaqiyo ay kaa heshay kuuna baahantay qalbigana ha iska jabin aboowe . Osmaan waxaa ka soo maxaaday qalbigiisa xigmadan !!!!!!!!!!!
hoodiyo nasiibiyo
hor alaan adeegsaday
hanfadoo habeenkii
hambalyada jacalkaa
hurdo iga ka xeeysoo
heesaha macaanee
hobalada onkadayaa
heelada ku tirayaan
habshaa habeenkii
naftu waxay ku leedahay
Raaqiyo cadeey
helistaadu waa dahab
Manaal Abaayo macaan Raaqiyo waa Ubaxii jaceelkee indhahaygu u baahnaayeen abaayo lakiin waan iska sugaa hadii ay timaado iyo hadii kalaba .waa qof dhalinyaro ah dan ayaay yeelan kartaa meeshna dan ayaa loo joogaa , Manaal aad ayaay ula dhacday Samirka iyo iimaanka ku dheehan Osmaan waxaanay dhahaday aboowe waxaan ilaahay kaaga baryaay inuu Riyadaadda kuu rumeeyo , waxaa tahay qof aad u iimaan qabo ismaan laheen somalida qof sidan dhan daacad u ah ayaa laga helaa xigalan lagu jiro , OSmaan waxaa ka dhex guuxayo hadalladii Raaqiyo ay ku kala tageen iyo siday balanta uga qaday ee aadka u cusuleda iyo sida ay uga soo bixi waysay balanta, waxaa is riixay wakhtiga Manaal telifoon way ka daashay siday ugu cel celinaysay waxaa saacadu cagacageeysay 10 :00 kii fiidnimo OSmaan wuu xishooday. waxaanu Manaal ku dhahay abaayo waan iska sii baxaa hada waa xili danbe Wakhti kale ayaa ka badan Bari ayaan ku soo maraa wana iska sii baxaa.
Manaal ayadoo ka xun ayaay kacaday waxaanay ku dhahadya aboowe macaane habeen danbe anigaa kaa balan qaadayo iigu imoow guriga wakhti horana ii imoow bacada maqrib iska imoow waxaad iigu ima naysaa Raaqiyo ama war buuxa anigoo kaaga hayo ,
waa hada iyo Murugo horleh fakar iyo wakhti dheerad ah dareenka caashaquna wuu ku sii siyaadayay marba marka ka danbeysa waa hada iyo koow 1 wuxuu meesha ku macasalaameeyey Manaal , waxaanu u soo jiitamay dhankaa gurigiisa cawa iyo habeen hore farqi ayaa u dhaxeeya habeen waad farsaneed cawana murigo jaceel ayaa jaakeed kuu galisay waa iska aduunyo ADIGOO SUGAYA AYAAY KU QADIN . ADIGOO SAMRAY BAY KU SIIN way iman ayaantaan ALLE AAN KA SUGAYAY ayuu isku qanciyaay.Wuxuu soo garaacay gurigiisa wuxuuna hore isga galay qolkiisa muusa casheen cabitaana daa hadalkiis isga iyo sariirtiisa iyo barkiintii jaceelka , siduu u sheekaysanayay ayuu habeenku kala wareegay , Wuxuuna sariirta ka qadayay Ayadoo Habeen Bara Intaan soo baraarugay baalahay ka eego ,Markaan bixiyaay faynuus ileen baabah weeye barkimada dagaale ,Bar wadanaha ku taaloo igu Baahday Weeye Boodhari sidiisii Barashada Jaceelkana iyadaa Igu beerto ,
Osmaan waxaa hortaagan gabadha Raaqiyo aheed maxaa ku dhacay shaki jaceel ayaa Galay wuxuu is dhahay Armaa laguugu diray ? jawabtu waa.... yaa isku kiin yaqaana , armay kaa maaran tahay .? jaawbtu waa . soow kuuma sheegteen toloow maxaa ku dhacay ee ay kaaga maqantahay ....................hadaba Raaqiyo way gooysay ee maxuu Osmaan ka filan doonaa kulankooda danbe sidii roon rabaa Oge walee aniga lay Raray !!!!!!!!!!!!
lasoco Q 10 aad