waa la isla faraxsan yahay raaqiyo qiiro jaceel ayaay dhex dabaalanaysa Osmaan waa ka daran yahay gacamaaha la si haystaa sidii laba mudo badan wada joogeey habeenkaasi tilmaamaan ,sida geenyo uguboo xadhig lagu gingimaybaa gurxamaa habeenkii ilamo gobo ka siiyaa ,Raaqiyo waxay hore usii raacaday doontii jaceelka waxay kaga degtay gurigeeda hortiisa waxaanay meesha isku maca salaameyeen Osmaan oo hoos fiirinayaa , xiligaas waxaa socotay naacoow qaboow oo qalbiga kaaga dhacaysay waxaana dhagahiisu ku soo celcelinaayeen maqalka aadka umacaanaa ee daganta soo jiidashada leh ee ka ka soo baxayaay Afka Raaqiya ,waxaanay Raaqiya u sii dhaaftay Osmaan habeen wanaagsan, , Osmaan isaguna sidii lagu yaqaanay ayuu ugu deeqa macaanto habeen wanagsan waxaa inoo balaan habeenka isniinutu soo galayso iyo xilgaan balaanay haduu ille idmo
Raaqiyo waxay garaacaday gurigooda intuu taagnaa osmaan markii laga furay guriga gacaantaynay kor u taagay iyadoo macasalaamay naysa raaqiyo
waxaa gashay gurigooda, Osmaana Diiceey wuxuu u sii hadaafay dhankaa iyo guriguu ku noolaa , Raaqiyo waxay gashay guriga iyadoo saaran faraska cishqiga oo aad xawaare u jaraaya waxaanay dusha uga baxaday sariiteedii waxaanay hore ka gashay hawadii qaboowga badaneed ee qalbigeeda ku dhacaysay waxaanay iyadoo aad ula dhacsaned sida aadka u soo jiidashada leh ee dhagaheda ugu dhacayeen hadalka xigmadeeysan ee ka soo maxaanaayeey qalbiga Osmaan waxaanay qalbigeeda ku qancisay walee waa isu qalanaa waana qof ii qalma
Iyadoo sariirta ku jiifta nafteedana udaarta cajel sheeka ah ,waxaay qiimaysay jawiga aadka u macaan nafteeda ku furnaa, ayadoo Riyadeeda ay u sii dheereed in qalbigeeda iyo nafteedaba wax aad u naxariis badan ku soo kordheen, Raaqiyo habeenkii oo dhan may seexan waxaana ku soo noq noqnaayay hadalka Osmaan waxaanay ka samir waysay oo hortaagnaa indhaha Osmaan , waxaana aad ay ugu muuqatay Qiiro qalbiga soo jiidanaysa waxaanay habeenkii oo dhan ku shidnaa cajelkii jacaylka oo hurda la’aan ku noqday sidii caadiga aheed kama madhan dareenka caashaqu , waa habeen aad u dherer badan waxaa ku yeeray Eedaanka salaada subax Raaqiyo waxay isu diyaarisay salaadii subax marka faralkii iska bixisay waxay ku darsatay 2 ragcoo suna ah iyadoo ilaahay ka tuugaysa haduu Osmaan khayr uyahay inuu us sahlo hadii uu shar u yahayna uu ka leexsho , Raaqiyo waxay iskaga noqtay doonidii jaceelka
Osmaan wuxuu ku socday xawaaro badan wuxuu dhex dabaalanaayay bad weeynta jaceelka ima oga meel uu maraayo wuxuu in badan dhaafay gurigiisa ileen waa dakhar jaceel oo diyaarad saarane wuu istaagay wuxuu dareemay inuu xafadiisa soo dhaafay wuu qoslay hadana hareeraha iska fiirshay shaydaanka iska naaray , dib ayuu u soo orday gurigiisa ayuu soo garaacay waa lagafuray wuxuuna hore ka galay qolkiisa habeenkaas muu caasheen Oday Osmaan dhankiisu ka fuulay doonta jaceeelka isga iyo Raaqiyo waxay ka wada hawada sare ayaay ka sheeysanayeen waxaay joogeen aduunyo kale waxay ku jireen hawo qaboow oo aan dhamaaneen , qofba qofka kale ayuu ku soo maqnaan waxaa hortaagneed Osmaan suurada Raaqiyo hadal macaani deeda illeen dabeecada iyo hadal macaanida waa loo kala dhashaa Raaqiya iyo Osmaan waa laba qof aad u diyaarsan hadaba maxeey noqotay natiijad Uu ka sugaayeey
lasoco Q 9aad