NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 7

Sida ubax dhalaal badan

dhaayahaygu kuu jecel

wax dhantaala quruxdoo

dhagtu diido ha oran

dhamaantii jacaylka

sidii shiikh cilmiga dhiga

ayaan kuu dhagaysataa

dhadhami Raaqiyo caashaqa

dhadhami Ruuxii dhabkuu dhibta looma quuree,

Yaa halaa Yaah ahaal ila soco

Osmaan waxaa hortaagan Qaab dhismeedka aadka u quruxda badan ee illaahay u sameeyey Raaqiya Midabkeeda indhahaaga soo jiidanaya, sanqarooka jaaheeda suunayaha isku dhagen ee ay deeqda u heshay, indhaha aad ka u qurxoon ee xishoodku daboolay, waa nasiibka aduunyo ninkii Raaqiyo hellaa, Madhabaa mise waa dhalanteed Osmaan Diiceey waxaa hortaagan arin aanu qiyaasi Karin , yaaaaaaaaaa salaam

Osmaan waxaa qalbigiisa ka dhex yeeraya, hoowlahan igubayaa ma wax dunida gaadh sii saanbaa , Ma wax aniga ii gaaraba kala garanba waaye hoowshiyo dhibkaan qabo Guuloow iga Gargaar,

Sidaan hore usoo sheegay Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona

Fadhigii gurigu wuu sanqar beelay waa indho aan is fiirin karin daahii Cishqiga ayaa kala dhex galay , codku wuu soo bixi wayay mudo daqiiqada ah ayaa lakala aamusnaa , Osmaan ayaa wuxaa ka soo fuqay hadal aad u qaboow waxaana afkiisa ka soo yeerey Raaqiyo soo dhawoow walaashay barsha wanaagsan isagoo markii hore u dhashay nin aad aftahan u ah, waxaanu meesha ka furay hordhacii jaceylka cusub lagu yaqaanay isagoo ku soo hal qabsanaya aduunyada waxaanu hadalkiisa u sii riixay sidan

Raaqiyo walaashay barashadu waa shay qaali ah oo qofkasta hor imanaysa waxaan nahay dad dhalin yaro ah, dadkana labadii is qaadi karta oo naftoodu is raacdo ayaa wada rafiiqi kara ama sheeko wadaagi kara waxaana makhraati madoon ah in dadkan aad argtay ee aduunku ku nool ee saaxiib layahay ee la isqabo ee wax la isku darsanayo ,inta meel ku wada dhalatay way yartahay 2 qofba maalin ayaay is bartaan ok barasho wanaagsan , lasoco walaashay qaali dareenka naftaydan ku soo dhawoow macaanto waxaana ku tusaa barshadu inta nooc ee ay u qaybsanto ,

Marka xigta barashadu waa 2 laba nooc 1 … kubartay oo kaama haro , 2…kubartay oo kuuma soo laabto, hadaba waxaan kugu soo dhawaynayaa Raaqiyo abaayo barasho aad u xiiso badan oo ka soo maxaatay qalbigeeyga waxaana kuu sidaa hadiyada naftayda ugu qaalisan waxaana kugu bushaaraynayaa qalbigayga inuu boos mahiim kaaga banaan yahay naftayduna ay kuu baahantahay dareenkayguna uu kuu soo jeeddo dookhaygunu uu ku hortaagan yahay indhahayguna ay ku janteen dhagahaygu ay maqalkaaga u baahan yahiin ,

Waxaana usii raaciyaay murti ku soo maaxatay qalbigiisa intaasan u jaawibin Raaqiyo oo dhabanka iyo gacanta isku haysa oo Roobkii jaceelku biya dhigay ileen jaceelku waa nabare

dhalaan sabi lamoodyey

dheehaaga wacaan baa

igu dhaliyaay caashaqa

dhayal ha u malaynine

dhabarka iyo laabtaba

adigaa dhex jiifoo

dhuuniga ma cunikaro

dhanka aad xigtaaban

dhidibada u aastaa

dhaayaha ku fiirshaa

Raaqiyo oo aad ula dhacday hadalka murtiyeysan ee ka fatahaya Osmaan aadna u miisaamaysa Xikmada Afkiisa ka baxaysa iyo Qiirada ka muuqta indhahiisa ayaa waxaay ugu jawaabtay Osmaan aboowe waan dareemi karaa marxalada aad ku jirto waxaana kuu sheega walaalkay horta waan kaa gudoomaya barashadeena cusub ee aad buugeeda furtay wana runtaa laba qofkasataa mar lee is bartaan waana kaa gudoomay barashaadii aadna waad ugu mahadsantahay hadala murtida leh ee ka maaxanaayay qalibaaga waxaan kuu sheegaa abaawe Osmaan waxaan joognaa Guri aan marti ku nahay xiliguna waa xili danbe waxay ku dhoowdahay 11:30 kii habeenimo waxaanad qalbiga galisaa waa maalinkii ugu horeeysay barashadeena , waan kaa dhagaystay hadalkaagii waana fahamay waana ideeqay hadalkaagu aboowe macaane waxaan wataa hal codsi ee waxaan kaa rabaa inaad iiga ogalaatid ?

Osmaan wuxuu ka ogalaaday codsigii Waxaana Raaqiyo hadalka ku soo afjartay iyadoo wakhtiga fiirinaysa sidan Osmaan aboowe waan qaatay hadal murtiyeedkii aad naftayda ugu tala gashay waxaana kaa codsanaya aboowe macaan inaad wakhti isiiso calashaan fursad aan kaga soo fakaro waxaana inoo balan ah habeenka isniintu soo galayso hadii ilaahay ka dhigo 7:fiidnimo ,

Oday Osmaan ileen aduun hoowli kama dhaamaato , Gacal Haween Nimuu Gallaa Hurddada Aan Gama Kasiinee Gargaar Guulaan ka sugayaa , Osmaan isagoo ka Caga jiidaya hadalka Ka soo yeeray Raaqiyo ayuu wuxuu ugu jawaabay abaayo macaan waxaba kama qabo waxaa inoo balan ah habeenka isniitu soo galso hadii Alle idmo .

Osmaan waxaa ku tagaan Maxay noqon doontaa jawaabta ka Raaqiyo ka soo yeeri doonta illaahoow sidii roon

Lasoco qeybta 8aad

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.