
Sidaan
hore
u
soo
sheegay
jacaylku
indho
malaahan
meel
aadan
filayn
ayuu
kaa
soo
galaa
waxaadna
la
kulmeysa
wajiyo
kala
duwan
dumarka
somaliduna
aad
ayey
u
suuro
badan
yahiin
markay
arkaan
qof
u
heelan
oo
dan
ka
soo
gasho
waa
dabci
ay
ka
wada
siman
yahiin
hadaba
maxuu
kala
kulamay
gabadhii
raaqiya
aheyd
iyo
kabtan
Osmaan
Diiceey
Waxaa
markhaati
madoonta
ah
in
qof
wax
jecel
uusan
seexan
habeenkii
ku
dheeraado
maskaxdiisuna
shaqo
badan
samayso
waxaan
ku
soo
dhacay
Kabtan
Osman
Diicay
inuu
latashi
badan
la
sameeyo
saaxiibadiis
waxaanu
si
toos
ah u
abaaray
saaxiibkiis
Ismaaciil
Ciiloow
isagoo
ugu
tagay
gurigiisa,
Ciiloow
ayaa
hurdad
uga
soo
kacay
Osman
Diiceey
waxaanay
u
sheekaysteen
Si
khaas
ah
wuxuu
u
sheegay
osmaan
inay
arin
jaceyl
lasoo
daristay
kadib
Ciiloow
wuxuu
sitoos
ah
ugu
tilmaamay
Gurigey
ku
nooshahay
Raaqiyo
wuuna
fahmay
halkay
xaafadu
tahay
waxaanu
Osmaan
usheegay
Mr
Ciilow
inay
halkaa
ku
taalo
xaafad
uu
leeyahay
abtigiis
Sakariye
waxaanay
isu
raaceen
Osman
Diiceey
iyo
Ciiloow
Xafadii
Abti
Sakariye
oo
ay
daris
ahaayeen
Raaqiya.
|
Ciiloow
iyo
Osman
Diiceey
waxay
tageen
xaafadii
waxaa
ka
furtay
gabadh
shaqaala
ah
oo
Ay
sifiican
isugu
dheeraayeen
Ciiloow
waxaanay
soo
dhawaysay
Ciiloow
iyo
Osman
Diicayoo
si
ba'an
loo
hayo
ileyn
jaceel
indho
malahee
waxay
fadhiisteen
fadhigii
sida
lagu
yaqaanay
gabdhaha
somaliyeed,
Manaal
oo
guriga
shaqaale
ka
ahayd
ayaa
waxay
keentay
cabitaan
iyo
buskud
iyo
xooga
xalwo
ah,
waxuu
Ciiloow
ku
bilaabay
Manaal
Qaraabo
salaan
isagoo
ka
waraysanayo
xaafada
sida
lagu
yahay
cabtaankisana
si
raaxo
leh
u
cabaayo
Manaalna
ay
si
jawi
dagan
ah
ugu
jawaabayso
,Hadaba
Kabtan
Osman
Diiceey
maxuu
qabanayay?
xageena
laga
hayaa?
waa
aduunyo
qofba
meel
ayaay
kaga
dhagtaa.
Way
iska
caday
taasi
,Osmaan
wuxuu
ahaa
qof
maqane
jooga
ah
wax
cabitaan
ah
iyo
buskad
ah
toona
muu
isticmaalin
waxaanu
isku
hayay
dhabanka
iyo
gacanta
waxaa
ku
sii
dheeranaysay
sheekada
ay
haystaan
saxiibkiis
Ciiloow
iyo
Manaal
waxaa
soo
gurmay
wakhtigii
waxaa
u
sawirmayay
Raaqiyo
iyo
Qaabka
Qurxoon
ee
ilaahay
u
sameeyey
,
waxaa
uu
Ciiloow
u
baasay
magaca
Saxiibkiis
Osmaan
Diiceey
isagoo
u
furay
buug
is
barasho
Manaal
sifiican
ayaay
u
soo
dhawaysay,
wuxay
ugu
siidartay
Manaal
aboowe
Osmaan
waxba
maad
cunin
aniga
maad
iga
xishoonaysaa
walaasha
camal
aan
ahay
Osmaan
intuu
ilka
cadeeyey
ayuu
dhahay
walaashay
waad
mahad
santahay
Ciiloow
ayaa
isna
si
kaftan
ah
ugu
tuuray
Manaal
waxaan
kugu
nimid
inaad
arin
saxiibkay
Osmaan
haysata
aad
wax
nagala
qabto?
Manaal
way
aamusatay
iyadoo
xishood
wayn
galay
arinkana
meelkale
u
leexisay
waxay
ugu
jawaabatay
maxuma
Ciiloow
lakiin
hoosta
aad
iga
soo
galisay
siday
wax
u
jiraan
,waxii
aan
awoodo
waan
idinla
garab
galayaa
haduu
ilaahay
ka
dhigo
ee
sedee
wax
ujiraan?
Ciiloow-
waxaan
halkan
u
nimid
aniga
Osmaan
arin
maalmahanba
nagu
rafanaysay
waxaa
jirta
cidan
aad
darsika
tahiin
ayaa
arin
naga
soo
galay
isagoo
hadalka
usoo
koobaya
Ciilow
wuxuu
dhahay
abaayo
macaaney
Wiilkan
Osmaan
waa
saaxiibkay
wuxuu
aad
u
radinayaa
una
danaynayaa
Gabadha
Raaqiya
ah
ee
cidan
aad
dariska
tahiin
ah
maxaad
nagala
qaban
kartaa
arinkaas
ayaan
kuugu
nimid
meel
fiicana
wad
nooga
soo
baxday
?
Manaal
aad
iyo
aad
ayay
u
qososhay
Waanba
naxay
waxaan
mooday
inay
aniga
arin
iga
kiin
soo
gashay
waxaan
sugayay
suaalo
badan
ayay
tiri
maxuma
aboowe
Ciiloow
aniga
ayaa
arinkaa
Qayb
libaax
ka
qadanaya
iga
warsuga.
Maxay
kala
kulantay
Raaqiya
Manaal?
lasoco
Qabte
3aad
|
|