NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 15

Waaga ayaa isugu barayaa waxaa lakala qaatay taariikh noleeldka waxaa la isku buuxsay saacadaha . Raaqiyo aad ayaay ula dhacaday Osmaana sidoo kale. waxuu Osmaan guriga ka baxay 7:30kii subaxnimo waxuu afka saaray dhanka gurigiisu ka xigay isgoo dhafar san . Osmaan waxuu qaatay Nabarka guriga Raaqiyo Iyo Mobleka .wuxuu tagay gurigiisa wuxuu hore ka shaday hurdo maal meed .waxay talo sii gur guurato waxay naftu ku soo labtay salaadii maqrib . waxaanu hore ka wacay macaantiisa cabaar ayaa sheeko lagu qaatay telifoon isgoo u siiraac shay macaaney waan kuu imanaa , ok ayaay dhahaday waa ku sugaa . Osmaan haduu hurdo ka soo kacay waa fireesh maskaxdiisuna aad bay u dagan tahay . sida caadiga aheed telfoonka ayuu ugu soo dhex tuuray xooga geeraar ah oo aad u laab kicyaya Raaqiyo wuxuuna dhahay Oday osmaan
hadal wuxuu macaan yahay

 

Markaad libin haleeshee

ruuxa loo han weyn yahay

hareer taada joogoo

hagarlida sheekada

haa saawe qaaliye

hanbalyo isu dhiibtaan

hilinkiisa caashaqa

huga sare u qaadan

hubaal la isu dhaafsado

hadii caashaq hony yahay

hadaf keena waan heli

waxaad tahay qofka naftayda ku soo biiray waxaana aad u jecalahay wax kasta oo nolashadyad ku saabsan inaan kuu siyo waayo waxaad tahay macaanteeyda nolashada .sow kuma qanac sanid xayaati nolshan cusub aan abuurnay xubi , Raaqiyo haa ayaay usoo celisay waayo waxkasta oo afkiisa ka soo baxaya waxay u yahiin malab waxaa ku socda hadalkiisa bes, wuxuu Osmaan usii raacayaay macaan badan waxaan igu soo kordhay barnaamij waxaan rabaa inaan wax kaala socod siiyo Raaqiyo iyadoo u hamuuun qabta hadalka Osmaan ayaay dhahay macaane wax kasta oo aad iila timado diyaar ayaan kuula ahay hadaad iyadoo hadalkeeda ay ka muuqto qiiro naftaada aad u kicanaysa wxaanay hadal gaaban oo geeraar ah ku dhahayday

macaanoow aduunyada

adaan kaa ishaartoo

dookhaygii baad tahay

qalbiga iyo laabtaba

adigaa dhex jiifoo

dhuuniga macunikaro

maqalka iyo aragaba

hooy baad ku leedahay

cidaan kugu masaalaa

cayniga ma saarine

cawa dhalad inaad tahay

ciidna maba suaaline

xubiyoow waxaan kuu ahaya qof meel adiga kuu joogta waxaad ilaatimaado afkaygu maya madhihi karo caashaqana daadihi macaane farxad ayaan ilaahay inooga tuugaa markasta oo aan salad tukado dacad nimaduna waa shay qaali ah macaane waxaanad niyada gashataa halkaad I gaadh siisay inaan waligeey gaadheen qof adigoo kale ahna aana heleen ,

Osmaan aad ayuu ula dhacay hadalka macaanka badan ee Raaqiya afkeeda ka yeeray waxaanu ugu jawaabay marana lagama yaabo inaan cidaan adiga aheen fiirsho lakiin Malaga yabaa inaad adigu wacadka iyo axdiga iyo balanka aynu meel wada dhiganay aad ka soo bixi wayso ,waxaan dabarkaaga dhigaya oo kugu xirayaa inaad noqoto qofka aan maranba jaceelka danbi ka galin waxaan ilaahay ka tuugaa keenii jaceelka ka booda inuu meel xun fadhiisto geesinimo ayaa lagaa rabaa intaad nooshahay iyo nolol cisi iyo sharafleh inaad ku noolaato

Osmaan wuxuu soo gaabiyaay hadalkii telifoonka waxaanu ku soo gooyaay hadalka macaan adan anigu daacad ayaan kuu ahay waxaan rabaa inaan horu mar gaarno ee isu diyaari wax kasta oo kaa soo gaadha jaceelkeena waxaanad niyad ku haysaa inaan nahay labo Qof oo isu qalma isku miisan ah dhankasta waxaana ku xasuusinaa inuu jaceel xaasiku badan yahay oo meelkasata ku nool yahay xasuusnoow Qof aan kuu fureen yaanu kuu xirin xubi aniguna waxaan kaa balan qaada halkaad joogto inaan usoo jeesto bes dhagayguna qof aan adiga aheen inaysan maqleen indhahayguna qof aan adiga aheen inaysan arkeen xubi iyo kalgacalna aan kaaga hayo ixitiraam iyo kalsooni aan dhamaaneena aan kuu hayn doono

Raaqiyo oo kal gaceel la ilmeeynaysa ayaa ugu jawaabtay gacaliye Aduunka qof aan adiga aheen ma rabo intay doonto ha igu qaadato waxaad igu ogtahay kalsoonida jaceelkeen iyo inaan isku duubnaano macaane meelkasta oo aad aduunka ka joogto aniga adgaa ileh ILLAAHAY Ka sakoow waxaana kuu sheega Eebadii kalgacalka ayaa iga oohisoo cidaan adiga aheen igama hayso macaane kuna seexo kuna soo toos xubiyoow walaahay Anaa Baxibak Awii Awii

Osmaan aad buu ugu qancay hadalka Raaqiyadiisa ka soo yeeraya. waxaanu kun jeer uga mahad celiyeey habsamida ay u qancisay waxaanu hadalka ku soo afjaray macaaney 9:30 fiidnimo ayaan kuu imana gurigaana ku sheekaysanaynaa waxaana rabaa Barnaamij igu jara inaan wax kaaga sheego waayo hada laga bilaabi waxaa inaga dhaxeeya waa talo iyo tusaale Raaqiyo oo sheekadiisa u dhararaysa ayaa ku soo cel celisay macaaney maad wax iiga sheegtid hadan diyaar kuula ahay waxkastee Osmaan oo qoslaya aya Raaqiyo ku celiyaay macaaney waa sheeko dheer halkan kuuguma dhameen karo markaa cawa ayaan rabaa inaan go'aanka gaadhno maadama aysan ka fursanen inaan adiga kaala tashado waa kuu imaana waxaanay kuu sheega macaaney kun jeer inaan ku jecelahya habeenkaa cawa ah Qof aan ku seexdo kuna soo tooso anigoo niyad ku haya inaad adiga tahay xubi waxaanu u si raacshay macaaney iska dami telka waa inoo caawa hadii ilaahay kadhigo, Raaqiyo oo aad unafisatay ayaa ku celisay macane ok waan waan ku sugaa cawa hadii ilaahay ka dhigo sidii ayaay telka ku damisay hadaba maxay noqon doontaa ayaay is waydiisay Sheekada uu Osmaaankeedu uhayaa waxaay ku yimid su'aalo badan ??? tolow ma waxuu soo wada goorma ayaan is mehersan mise goorka ayuu soo dhawayn doona waxaa ku furmay waadi waxaa ku habsaday Roob ma hiigaan ah . waxaa ku yeedhay Firinbigii caahaqa. waxaa ku soo dhawaaday wakhtiga waxaa u sawirmay taashkii madaxa laga saarayaay .waxaa la tusay dad badan oo arooskeeda ka ciyaaraya . waxaa ka buuxsantay qabtay Riyada maalintii lagalo . waxay dhex dabaaltay xusuus macaaan badan waxaanay dariiqii dheeraa ee hiyikacii Raaqiyo ku soo dhamaaday adiga macaankaagu halkee isku aroosi doontaan

Hadaba dad yahoow muxuu Osmaan soo wadaa .maxay noqon dontaa sheekadu uu hayaa Oday osmaan

Las soco sheekada qaybta 16aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.