NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 13

Akhristoow waxay  sheekadu  inoo maraysay  qaybtii 12 halkii   ugu macaaneyd   farikama qadna  jaceel dhawac galay maxayse  noqo doontaa  jawaabtu

Xayaati albi dareenka naftada dhana adiga ayaa qatay . waxaad tahay macaaney mid nafteeyda ku wayn meelkasta oo jidhkayga ka mid ah jaceelkaan kuu qabo ayaay la dhaqaali waysan tahay xayaati albi aad baan kuu jecelhaya, me too macaaney ayaay u celisay Raaqiyo jaceel la ilmaynaysa una qadan waysan sida uu uga dhex baxay Osmaan iyo siday nafeedu ugu qanac santahay waxaay  qacka siisay  hadal murtiyeedkii  ku soo siyaday nafteeda  waxaanay habsami  ugu luuqaysa  geerkan  qalbigeeda  ku  soo maaxaday

Ma ogtahay hankay giyo

Hanaqiyo wadnaha

Adigaa  hurdoo

Ka dhex heesayoo

waxaad tahay hugii

dhaxan iga  hayee

hanaan quruxsanoow

hamigeeyga  helay

Waxaay Raaqiyo jaceel la ilmayso Osmaana uu kalgaceel al qaracmo . goor cabaar ah kolkii la fadhiyaay ee la nafisay ayaa wuxuu Osmaan waydiiyaay sual xabiibtiisa ? Macaan badan sidee halkan ku timid kaama fileeyn hada waxaan rabay inaan Manaal kuu soo diro qalbigeeygana waad ku taagneed . Raaqiyo way ilka cadaysay waxaanay dhahaday macaane adigaan ku sugayay qofkasta oo guriga soo garaacana adigaan ku moodayaay nasiibkeeyguna wuu ku keenay shalay dhana waan ku sugaayay waanad iman waysay macaane  waanad  dareemikartaa  macaane  in  jaceel  I gubaayo  xayaati  .Osmaan  dhabanka ayuu  gacanta  ku qabtay waxaanay  kaga dhegtay  inuu   wajiga  Raaqiyo  iska fiirsado  cabaar  goortii la fadhiyo , ayaay  Raaqiyo  ku dhahayday  macaane manta  maxaa kugu dhacay waad  aamusantahay  mise  .

Oday Osmaan   hadalka ayaa  ka soo fuqay waxaanu  sikadis ah ku dhahay  Macaaney    Kalgaceeku waa qani  Qofba  si ayuu u  qabtaa meeshuu  iga asiiibay ayaan dhaweeyn lakiin . waxaan  ilaahay  ugu mahad celinaa  inaan helay   Qoftii  Naftaydu  Jamatay   jaceelkana aan  si  raaxale   ila  dhadhamisay  imaan lahayn  Raaqiyo  adigoo kale ayaa duunka  ku nool macaaney .labadii  macaankooda   qaybsada   alle  ha  inaga dhigo . see  kuula muuqataa nolshan cusub  iyo  jaceelkan  cusub  ee aan abuurnay macaaney  . raaqiyo  oo  indhahiisa  fiiranaysa  ayaa  ku celisay  macaanoow aad baan  ugu faraxsanahay waxaana dareemee  nolol  cusubo  oo aniga  jadiid igu ah  ama  new  igu ah ,qof sidan  qalbigiisu  dacaad u yahay ima soo marin  mana filaayo  inuu aduunka  dul  joogo , waxaana  kaa balan qaaday  inaan dush ku qaado  macaaney kalgaceelka aad  igashatay  axdi iyo balana waan kaa qaaday inaan marnaba  aana dayaceeyn  jaceelkeena . ee  cawa  maxaad  inoo haysaa .  oday Osmaano  waxaad moodo  inay Raaqiyo maalinkasta  ku cusub tahay ayaa cabaar aamusay intuusan hadlin ayaay  Raaqiyo  istaagtay oo dhahaday macaane  wax  yar isug . Jikada ayaay gashay waxaanay  hore u soo qaaday cabtaan  iyo mac macaan ay Osmaan  ugu tala gashay meesha ayaa lagu wada  cunteeyey.  Manaal cadeeyna oo  goorahabaa  gudaha  kaligeed  iska  joogtay salaan ayaay la soo dulmartay waxaanay  meesha  ka dhacay  happy party 30 daqiqo  ah mesha ayaa lagu wada bashaalay ,  OSmaan iyo macaantiisu waxaaney  isla fahmeen inay wareeg  gaban  la soo galo  madaamay kulee  aad  u daran  jiray malintaa  Raaqiyo oo raali ah ayaa   Manaal  u wacaday waxaanay  u sheegtay inay wareeg soo galayaan  iyada Osmaan.

Meesha ayaay  la isu macasalameyey  waxaana  laga dagtay   albaabka  guriga , Gacamaha ayaa  la is dhaafsaday . dhanka magaalada ayaay  afka la soo saray . cabaar  goortay socdeen  oo   laydhu  sifiican ugu  dhacdo Raaqiyo ayaa dhahaday  macaane xagee  aan  wajiga saarna  .Osmaan oo ah  saygeeda ayaay talada saaratay waxaana  la  isku af gartay  in laado  city centerka  oo fadhi wanaagasan leh.Waxaa hore   laga istaajiyaay Tax ,

Gadaal ayaay  koreen  15 daqiiqo kadib  waxay  gaareen city centerka  oo  ah  mool aad  u wayn oo  qaybo  kala duwan leh  oo  indhahaga so jidanay waxay galeen  gudaha  moolka   waxaa  la  wada fadhiistay   cafteeri  loogu talagay  Lamaanaha is jecel  Raaqiyo  wajigeedu aad ayaay farxad  uga  muuqtay  Osmaanna  ka sii daran   Waxay salka dhigteen  Qayb  Vip ah oo  aad   u qurxoon  waxay dhiibteen dalabkoodi  waxaanay meesha   ku galeen sheeko  aad  umacan badaan .Qofba   waxuu qalbigiisa  ku hayaay ayaa  la is dhaafsaday  meesha ayaa  la isku waafaqay inaysan  waxaan daacad aheen anay ku wada  socon  axdi  iyo balana  lagu kala  qaatay  inaan  Qiyaano  jaceel  la isku samayniin Wuxuu  aad  igu soo cel celiyaay  Osmaan marna  dhankayga  Qiyaano    jaceelkeena  iga kaa  iman mayso

Habeenkaasi taariikh reeb  waa   habeen   xasuus mudan waxaana  goobta  lagu wada qaatay  wakhti aad  u qali ah . waxaana  lakala xariiqaday oo lakala  saxeexday  isla habeenkaas  balan jacel iyo axdi   .Raaqiyo mabsuud ayaay aheed  Osmaana murtaax ayuu ahaa.  waa  goob  Farxadeed  waxaa  meesha  lagu sii qabsaday Films carabi ah oo  jaceel ah waxaanu wakhtigu isku sii riixay   1:30kii habeenimo 

Osmaan   wuxuu dhiibay  lacagtay qabeen  waxaanu  dhiibay lacag xajis ah oo dobowsad ah  inay  habeenka   jimcada  iman doonaan kursiga  oo ah  habeen  danbe wuxuuna ka soo qatay  boonadii lacagta u  ku bixyaya   waxaanay  usoo baxeen  banaanka  meesha ayaa  taxi  ka qabsadeen  waxaanay  isoo rujuuceen xafaddii   intay tagsiga  soo sarnaayeen ayuu waxuu  Osmaan   raaqiyo  iga sheekeeyey  hadii  labadeena  midkeen   kabaxo  balanta aynu kala qaadanay  waxaa  laga yabaa inuu axdiga uu qaday  inuu qabto oo nabsi  jaceel  meel dheer karido  markaa  waxaan  kugu  dhiiri galinyaa macaaney  inaan ahay   qofka kaliye ee  kuugu dhow  hadayicin jaceelkena  macaaney aniguna  sikasii daran ayaan  u xanbaar sanahay jaceelkeena  waxaa   la soo gadhay  xafada  mel  udhoow ayaay  Taxiga  kaga dageen waxaana  sidii cadiga aheed   ku soo maxatay   heestan  xigamada axdiga  iyo nabsiga  ka  turjumaysa

OSmaan oo aad  ucod macaanaa ayaa   si  hoos ah  ugu luuqeeyey  heestan  ka turjumaysa  axdiga iyo balanka jaceelka  lagu  qaato hadii  la isga  baxo   ama  Qof  jabiyo balankuu qaday  inuusan  ku liibaani doonin  Qofkasta  oo  la wadaago  jaceel  wuxuuna dhahay

Macaaney anigyo  adi

Axdibaa  u dhaxeeyoo

Ma Ogtahay  Midkeenii

Oofin  waaya wacadkii

Ifkoo lagu  kadeediyo

Abaalkiisu waa  naar 

ABuu  jahal  agtiisee

Bal ilaali  macaaney 

kalgacaalka  iyo axdigeena

Aakhiro dhib weeye 

kama  Eed baxayside 

iska ilaali  Qaali  axdigaad  iga qaaday  inaad meel ciyaar ah  kaga  tagto  aniguna qalbi  intaad  nooshahay waxaan  kaa  ilaalinyaa  dhaawac  inaan ku gaarsiiyo   dadkana waan iska xignaa macaaneey   .Raaqiyo  ilmeeynaysa ayaa  ku soo celisay  macaaney waxaan   joognaa  calaam taani   calashaan  aduunyo  kale ayaan  joognaa macaane  meel aan maraayo ma  aqaan waxaan kaa balan qaadaye  macaaney inaan  marnaba wax qiyaana ah kugu sameen  ee  adiga  dhanaakga  yaan layga soo dhicin macaaney  waxaana la soo gaaray  gurigii  waxaana  meesha  la isku dhaafsaday  gacmaha  iyo qalbiga  waxaan   la balamay  habeenka   jimcadda oo ah  habeen danbe   iyo goobta ay  soo xejisteen ee ay lacagta  dobowsadka ah  soo dhigteen inay  waxaanu   Osmaan Raaqiyo  usheegay  Inuu  sheeko   aad   umacaan inuu  uhayo  oo  tashi  u bahan .  Raaqiyo  hadalkumay soo celin 

waxaana  meesha   isku  sii  dhaafeen salaantii macaaneed   ee  kal gaceelku   ku dheehnaa 

Raaqiyo waxaay  gashay  guriga cabaar ayaay  nastay  waxaana  ku soo dhacay  sheekada   uu  Osmaan  u hayo  maxaay  noqon doontay

suaalo baan ayaa  hor yimid  Raaqiyo 

ok  hadaba  maxay   noqon doontaa  sheeekada  uu  uhayo  Raaqiyo allaaahu aclamu 

Lasoco  Q 14 aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.