NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 12

Dad Jacayl wadaagoo waji kala sugaayiyo Walaalaha is doortaa ma wiiqan kalgacalkee .

Dadyahow dacadu fiicaan .kalsoonidu Macaanaa. Rabitaanku kullulaa .Labaddii Daddaashaa Osmaan waa gaadhikaraan Raaqiyan waa u dhawaan karaan .waa jacayl oo waa dabayl dhankay doonto ayaay kaa qabanaysaa . Qofka wax jecelna waa naakhuude Doon wada oo badwayn ku jira dabayshu dhankay u kaxayso ayuu u raacaa .........

Raaqiyo iyo Osmaana sidan ayaa ka dhigan yahiin waa la is aaminay kalsoonida ayaa la wada qaatay  axdi  iyo balan ayaa  la  is dhigtay iga bixi allahayoow Caashaqu bad weeye ,

Osmaan wuxuu hurday in kabadan 24 saac wuxuu soo kacaayay  wakhtiga salaada iyo inta yar ee wax la cunaayo wuxuuno hore uga sii baxayaay sariirta jaceelka oo hurdo shirib ku leedahay Osmaan iyo Raaqiyo ismay maqal ismayna arkin habeen iyo maalin waxaana la soo dhaafi wayaay Guriga. illeen waa dad is jecelle xiisah kalgacalkuna meesha kama maqneen waxaa dabaysha la isu raacinayay fariimaha jaceelka , Osmaan Farxaddaa ka badatay wuxuu u qaadan wayaay Siday Riyodiisu ugu Rumowday waxaa Qalbigiisa Hortaagan Gabadh aad u Qurxoon oo hal mitir iyo sagaashan ah 1.90mtr waxaa dhagahiisu soo qabanayaan codkii macaanaa ee aadka u naxariista badana Ee Atariishaddiisa . Raaqiyo sidoo kale marna qalbigeeda kama bixin .Atooraha Akhlaaqadda loo dhemeeyey waxaanay ka samri waysay indhihiisa qiiradda jaceelka ka muqutay iyo hadalka naxariista leh ee dibnihiisa saran markasta

 

Habeenkaasi tilmaamane .waxaa la soo gaaray gallabtii danbe Osmaan oo Hurdo ka soo dhergay Maskaxdii Nasatay Daalkii jaceelku ka muuqdo ayaa soo labistay waxaanu afka soo saaray gurigii Manaal qoraxdu way soo jeedaa intuu jidka soo hayaay ayuu wuxuu wajigiisa soo istgaayay xishood wuxuuna is waydiiyay Manaal maxaad la hortagi . wuu fakaray wuxuu  go'aan ku qaatay  inuu wajiga horgeeyo una sheego inuu hurdo dheergalay .inkasta oo guriga balan ku lahayn hadan waxuu aamisana inay Manaal tahay Cajeleka dhaqaajinaya Jaceelkiisa garabana ku siisay Raaqiya. haddaba Waxa  kaloo  uu Go'an ku gaaray inuu ka dhul qaado Culeeska uu ku hayo Manaal madaama uu hantaya jaceelkiisa .hada laga bilaabana isaga iyo Raaqiyo ay iska aadan Xadiiqooyinka Jaceelka ee Qaahiro sida Wounder land. Xadiiqatu Difli . Xadiiqa Ahmed Curaabi . iyo Qaarkaloo badan ........... ileen waa dad jeceele

Wuxuu soo fakaro oo isla sheekeysto wuxuu soo gaadhay gurigii , waxuu sida caaddada ah garaacay ganballeelkii Baytull Xubiga . Osmaan wuxuu sogaayay inay Manaal ka furto guriga Ama Qofkale .....lakiin nasiib wanag yaa ka furay albaabka .........yaakalle hee Macaantisa Qalbidiisa Honydiisa babydiisa ..wuu uqaadan wayaay anfariir bay ku noqtay  istoori ayaa ku dhagtay wuu dhaqaaqi wayaay wuuna ka jeedsan wayaay waxay ku notay mufaajaco .

Waa isla doonasho illaah . daqiiqado kadib waxaa dhagahiisa ku soo dhacay macaanee soo dhaaf. waxaana ka soo fuqday nafee hore ayuu usoo gudbay isagoo afkiisa wax hadal ah ka soo bixin , dadku way kala burji wayn yahiin Oday Osmaan codkiisu wuu sii diciifay gacanta ayaa hore loo soo qabtay waxaan la soo fadhiisayay kursigii guriga , waxaan  la is waydaarsaday  salaan aad   u  qiimo badan

Osmaan

Qalbigeeyga iyo laabta

indhahayga iyo nuurka

ayaa macaan ku sulaamay

Raaqiyo

kalsooni aad umacaan

ayaan kaaga qaaday

xabbiibi ee warkaaga isii

Osmaan dareenkiisu wuu is badalay wuxuu galay hawo aad u macaan waxaana dareenkiisu dhan ku maqnaa Raaqiyo waxaanu hadalkiisa ku soo dabaalay  ama  ku soo celiyaay  geeraankan  iyadoo  afkiisu  bartay amaanta   Raaqiyo  iyo  samaanteeda  iyo  quruxdeeda  waxaa   dubaaxshay  jidhkiisa   isagoo  gacalisadiisa  gacanta   ku dhagan  ayaa  waxaa  ka  soo fatahay   hadal  xikmadeedkan   waxaanu  dhahay 

Macaaney  Gobaad tahay  .

Gob Gobi dhashaad tahay 

Gacal iyo  Nimcaad tahay 

Geenyo  dahab ah baadtahay

Gayaan   malab ah baadtahay

Indhahayga baad tahay 

Qalbigeeygiibada tahay 

Dumar  idil ahaantood 

Midaan ka doortay baadtahay

Xayaati   albi   dareenka  naftada  dhana adiga ayaa   qatay . waxaad tahay  macaaney mid  nafteeyda  ku wayn  meelkasta oo  jidhkayga  ka mid ah jaceelkaan kuu qabo ayaay  la  dhaqaali  waysan  tahay   xayaati albi   aad baan kuu  jecelhaya,  me too  macaaney  ayaay   u celisay    Raaqiyo    jaceel  la ilmaynaysa   una qadan waysan  sida  uu  uga dhex baxay   Osmaan   iyo  siday  nafeedu   ugu qanac santahay 

Hadaba  maxay   kal  muteeysteen   Osmaan  iyo  macaantiisu 

Lasoco   Q 13 aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.