NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 11

Akhristoow waxaay sheekadu inoo maraysay Qaybteedii 10aad halkii ugu macaaneed ,Osmaana wuu gaaray hadafkii uu lahaa waxaanu gacanta ku dhigay Qalbiga Raaqiyo . waa la isku qanacsan yahay waana la wada faraxsan yahay waxaana hadalaka Osmaan ugu danbeeyey xigmadan carabkiisu soo qabtay dhagaha Raaqiyana ay ku raaxay sanayeen

MARKAAD ILA QOSLEEYSO LAABTU WAY QABOODAA MARKAAD IGA QARSOONTAHAY WAA II QASAAROO QALBIGEEY DHEEDISA IYO WADANAHA AYAA QIIQ KA BAXAYAAA ………aad baan kaaga mahad celinayaa macaaneey sidaad naftayda u bad baadisay ….wuxuuna si kaftan ah ugu sii raacshay Raaqiyo. dadka wax jecel tareen ayaay isu dhigaan , cimaarado ayaay iska soo tuuraan way is gubaan ,wabiga Niilka ayaay isku tuuraan , lakiin anigu waxaan ku sigtay inaan baaskeel isu dhigo ………Raaqiyo aad ayaay u qososhay gacantiisa ayaa soo qabtay markaas ayaay mac sisay waxaan dhahaday geeraarkan jirkiisu la dubaaxshay

 

hoow shaan la wada qaban hore uma dhamaatee.

hoobaan la moodyoow libin haleelnee ,

hafeefta cishqi soo marnee Aan hanbalyeeynee

Hibasho soo dhaaf Hadaan is helnay caawa

macaane dhinacayga waad iga heli jaceel dhameeystiran

Waa la isla faraxsan yahay ,waa la isku dhiimay ,waxaa la dhex jiifaa beertii jacaylka . goobtu  way shidantahay nuurkeeduna meel dheer buu ka muuqdaa, Geesi ilaahay meel xun ma dhigo , wuxuu u qaadan wayaay murtidan ka soo fatahaysa macaantiisa iyo sideey uga muuqato wajigeeda  qiirada jaceelka .............wuxuu Osmaan umaleeyaa inuu Riyo ku jiro , waxaa   sir rasimi ah loo wadaagayo hadhuubka caashaqa , doontii jaceelkuna ay goordhoow goosan rabto .

wakhtigu waa xilidanbe,  Osmaan iyo raaqiyo ileen waxaa ku soo butaacay dadkii jaceelkee waxaana saacadu ku sii dhoowdahay 12:30 kii habeenimo waxaa meesha la dhamaystiray cabitaankii loogu talagalay  . waxaa banaan ka u soo baxaday Gabadhii gurigeeda  marita  loogu ahaa . Waa Manaale goobta ayaa lagu soo dhaweeyey . kursi u dhow ayaay soo fadhiisatay waxaa meesha ka muuqtay farxad iyo raynrayn xishoodkuna kama maqneen . Osmaan ayaa goobta hadal ku dhex tuuray waxaanu dhahay abaayo Manaal waad mahad santahay sida aad noo soo dhawaysay,waan dareemi karaa sida  aad uga qayb  qaadtaday jaceelkayga Abaal kaagana ma gudi karo . Manaal way xishootay waxaanay uga baxaday hadalka aboowe waa iska cadi intaas iyo inkabaddanba waa la isku leeyahay , sacaada ayaa hoos loo fiiryaya waxaan la isku afgartay in la sii jiitamo .Manaal ayaa soo galbisay ilaa xooga ayaa soo dhawaysay waxaana la macasalaameyey Manaal . Raaqiyo oo aad u farax san ayaa Manaal labada dhaban ka sii shumisay sida  masr laga  yaqaano  waxaanay dhahayd abaayo janada ayaa inoo balanah ,

Waxaaa lasoo gaaray Guriga Raaqiyo aan sidaas u fogeen , waxaa meesha la isku dhaafsaday hadalla kooban oo kal soonida ka turjumaya , Osmaan ayaa ku hor maray . waxaanu dhahay abaayo macaaney cawa kawran jawiga aan  ku jirno  siday kula tahay .....Raaqiya oo  ilka cadeeynaysa xishoodna ku jiro ayaa ugu jawabtay Macaane aad baan u farax sanahay waxaan dareemaya nolol horleh inay ii bilaabantay dareekayga dhan dhankaaguu soo jiraa ............aad ayuu ugu mahad cilyaay Osmaan .....waxaanu dhahay.

Raaqiyo macaaneey aad bay naftayduna kugu baahan tahay isagoo u sii racaayay 1- 4- 3 oo ka turjumaysa I L O V E Y O U Intaad nooshahay Allaa YAKHALIIK  . waxaanu usii raaciyaay abaayo hurdo raaxo badan ayaan kuu dhaafay ,,,, Raaqiyo sidoo kale ayaay ku celisay .waxaanay u dhaqaaqday albaaka guriga, hadan  way ku soo laabtay macaankeeda --- hab ayaay siisay ismay ogeen meel ay joogto.Osmaana sidoo kale . waxaanay Raaqiyo usii dhaqaaqday hooygooda iyadoo usii gacan haadinaysa meesha ayaa lagu kala tagay .

waxaanu Osmaan hore u sii fuulay Faraskii cadaa ee jaceelka isgoo cajeelkii macaanaa ee soo duubaytay hore usii shitay . wuxuu tagay gurigiisa waxaanu toos u abaaray sariirtii uu gaarka u lahaa isgoo ay ka muuqato farxad aan dhamaad laheen qalbigiisuna uu ku soo cel celinaayo hadal macaanidii Raaqiyo iyo sidii mufaajacada aheed ama lama filaankii aheed uu ku hantay Raaqiyo ..

waa aduunyo adigoo sugay ayaad kuu gooyn , adigoo quustay ayaad heli ....dhankasta ka filo ayuu isku qanciyaay waxaanu habeenkii ku seexaday farxad . Raaqiyo lafteedu waxaa lama filaan ku noqotay sida fudud ee ay qalbigeeda u siisay Osmaan oo aanay aqoon buuxda u laheen hadan waxaa Qiyaasta saartay oo Qiimaysay sida nafteedu ugu qanacday una Raali galiyaay nafteeda . waxaanay ku faataxaysatay Osmaan inuu yahay Xabiibkeeda Qalbigeda Nafteeda . iyo Indhaheedu kay jeclaysteen waxaanay dhabarka saartay kalgaceelkiisa iyo kalsoonidiisaba waxaanay hore ka gashayta direeskii qurxoonaa ee jaceelka dushana iska saartay kubeertadii cishqiga nabee waa dad jaceel ilanta goobtaa qubayta rooga ayaay Qoysay mandiilka waa la dhameeye   codkooduna wuu  is badalay habeenkaas   waxaan    meesha  ku  guuleeystay  jaceelkii  Osmaan   …Raaqiyana  way  ku qanacsaneed   hadabaa  waa   

wajigii  1aad   ee  jaceelkooda   maxuu   noqon doonaa    face ka  albaad  ama wajiga   2aad   ee  farxada   Osmaan  iyo  Raaqiyo   

la  soco  Q  12aaad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.