NAGA SOO WAC TEL: 44-2071003977 TEL: 2-0103088520.

FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l KARTUUN l DOCUMENTARY l  PROFILE l THE STUDIO

 

 

 

JACEEL DHAWAC GALAY MAXAA LAGU DABIIBAA ?

 

Part 10

Habaar  sow  isheeydu maqabtoo  iyadu  iimay  horseedin . halistu so afkayg  mahoo intaa ku hadaa qimaayo ,  Osmaan    waxaa  naftiisa  la sheekaysto   oo  maskaxdiisa  mashquliyo waxaa  la soo gaaray    maalinkii  danbe .wuxuu  fiirinayaya  wakhtiga  ay  balamisay Manaal  oo  aad  ugu daddaalleysay  siduu gacanta  ugu dhigi lahaa  Raaqiya .Manaal  waxay  aad  ula tacajabatay  sida  daran  ee  jaceelku  u hayo   Osmaan  iyo sida  uu  u qiimaynayo  una qadarinayo  jaceelka   uu  uqabo  Raaqiyo  , ileen qalbi jaceelgalo  ma quustee   , wuxuu  afka saaray  gurigii naftiisu bartay  waxaanu intuu  jidka  ku  jiray  ku soo hadaaqaayeey , geeraar  googoos ah  Naftan hibashadeediyo  maxaa jaceelkan  igu  diray, Mahungoobo caashaqa la hayaa  hareeraha  marka  lab  u heeleni  hagyaan sidii  Qays  iyo laylo iyo qaarkaloo badan

Osmaan  waxuu  soo    gurguurtaba  wuxuu soo garay  gurigiisa  jaceelka  ee ay  joogtay walashiisa  aadka  qaaliga  u ah  wuxuu  soo garaacay  albaabkii guriga  waxaa  ka furtay  Manaal  oo    farxad ka muuqto  wajigeeda .salaan ayuu la gaadhay  ,si dagen ayaay  uga  qaaday  , guriga  ayuu  isku  soo tuuray  wuxuuna fariistay    kurisigii  bilaa tacmiirta  ahaa   ee fadhiga  ,  waxaa loo keenay  cabitaankii  iyo   galaasyadii uu yaqaaney  .

Wuxuu diiradda  saaray  guriga , waxaa  uga dhex muuqatey  Raaqiyo  inkasata uusan  arkin  haddana qalbigisa ayaa  iska jecel ineey Raaqiyo guriga  joogto, waxaana  iska cad  ineey  wax  ku taagan yahiin ,  waxaana  dareenka  ku dhaliyaay  siduu    jawigu  u dagenaa,  wuxuu  cabaar  fadhiyo  oo cabitaanka   si murugo  leh u cabo

waxaa silama filaan ah  qolka uga soo baxaday Raaqiya  oo  qurux  la tiicaysa  oo aad u   labisan  daganaanta  ay u socoto  tacajab  uu ku dilaayo al qurux  badanaa  dumarkeenu mayray  diraca  cadaanka sitaan ilaahoow  noo dhaaf  ,   Raaqiyo waxaay isku soo  jabisay qalbka  isku soo haadka ee aadka u carfoon ee  ay  dumarku  raga  ku soo jiitaan , guraga  waxaa  ku shidan makuufkii qaboobaa ee jaceelka, Manaal  Qolkeeda  kama soo bixin waa  bilaa  qalindaar  goobtu  waa goob  jaceel, Osmaan waa  naf wax jecel  waxaa ku  ceshoomay hadalkii waxay  ku noqotay  mufaajaco  kamuu  fileeyn  Raaqiya  goobta waa kadis jaceel  iyo fareero caashaq fiidna  waa la  joogaa  ,intaysan hadalin  ayuu booday  oo  istaagy  waxaana Raaqiyo  afkeeda  ka  soo  baxay dhagahiisuna  aad  ugu  raaxeesteen  salaantii  macaanka baddan ay Qalbigiisa  ku dhex tuuray  !!!!!!

Aboowe  Cismaan  Qalbigaa  ku salaamay !!!!!!!! OSmaan  Abaayo  Raaqiyo  Fayoobi  lagaaga  Qaad  ………Waxaay  Raaqiyo  gacanta  ku siday Haddyadd  Bushqad   ku  jirta  Mayaqaano  wax ku jira  gacanta ayaay  u soo taagtay ayadoo raaciysa  aboowe  macaaney  waa  had yad aan kugu tala galay  ,  waa la isla  fadhiistay , waa la  isku soo dhawaadey  Qofba  Qofka  ka kale ayuu  ku maqan yahay  indhaha  la  isma  siinkaro  daaddkii  jaceeylka ayaa  la dhex  fadhiyaa . Osmaan  wuu  is  celin waayeey  waxaa  ku soo  maaxatay  murtidan  dareenka xanbaarsan xaaladu way cakirntahay  waxaan  qalbigiisa  ka buutacay isagoo hoos  fiirinaaya

 

Dhool iyo  hilaaceey 

Dheeman iyo luuleey

Dhayladii   jaceelkay

Dheeftii  naftayday 

Dhaqankii  haweenkay

Dharaar iyo habeenkii

Dhanbaalada jacaylkaan

Dheefkaaga dhigayaa

Dhaayaha  indhahaya iyo

Dherer kaad  u dhalataan

Dhaka faar ka qaado

Dhuuniga  macuni karo

Waxa aan la dhaygagay

Dhoola ka qosolkagee

Dhayal ha  u malaynine

Waa laygu dheer yahay

Dhankaad iga  xigtaabaan

Kugu soo dhadhabayaa

Dhabtay weey caashaqu

Dhabankaaga  xadaleh 

Igu dhaliyaay  heelada

Dhaartoo  ma hadhi karo

Raaqiyaay isoo eeg 

Raaliyooy  isoo  eeg 

Osmaan  waxaa  ka socoto iline  aan xad  laheen  Raaqiyo  Qalbigeey  ka ilmeeynaysaa Marxalada  lagu jiro way  Qiyaas beeshay  Raaqiyo way is celin waysay  waxaanay fiirisay  marxalad   culus  uu ku  jiro  Osmaan,  ilintii  qalbigeeda  ku  qubaneysa ayaa  banaanka  u soo booday  , waxaana goobtii  qabsaday ma  hiigaan  jaceel ceeryaanta qirada   waa la is  arki wayeey Waa  Dhado  jaceel.  waa  Awlaad jaceel dhaley  udgoonkaad  ka gartaa  Raaqiyo  waxaa  ka fatahay  xikmada  murtiyeeysan oo  aysan isku  oqoon geeraar ayaay  ka wagac siisay  aydoo   aysan ogeen  meel  ay  maryso  cagahana  kula jirta  badweentii jaceelka   

Onkod iyo  hilaacoow

 Iftiinkii  naftaydoow    

Indhahayga deeqdee  

Oofaha  jidhakayana

Adigaa dhex  jiifoo 

Oomateed ma cuni karo

Osmaanoow   il waadoow  

Qalbigaad  dhex qaadoo

Ilinbaa iga socotoo

Ollolbaa Igu shidanoo   

Omosbaa iga baxayee

Osmaanoow  isoo eeg

Macaanoow  isoo eeg 

Awlaad jacayl dhalay

Oogadad  ka gartaaa

Alaa  yakhaliik  waa  la si bareejeeyey  kubadda   waa la isu baasaay Osmaan fadhiga ayuu ka soo kacay  wuxuuna soo qabtay mandiil meesha  yaalay  ilinta ayuu kaga  tir  ritay. Raaqiya  oo  aad  u qiiraysan ayaa garbasaar cad ay sidtay ilinta  kaga  tirrtirtay  dhabankana  mac  ka siisay aydoo leh.  Qaaligii naftaydoow  waxaad tahay  Ayaan dhalad  nin nasib leh baad tahay …. intaan noolaa  ma arkin  qof  Qalbigeeyga  Qiyaas  jaceel  ku  qabsada lakiin  manta  waxaan dareemey  inaad tahay Qof naftayda  boosku leh ,Osmaan  oo ilaa hada  ilintu aysan ka  dhamaan farxad  darteed ayaa  u sii raacaayay .MARKAAD  ILA  QOSLEEYSO LAABTU WAY QABOODAA  MARKAAD  IGA QARSOONTAHAY  WAA  II  QASAAROO QALBIGEEY DHEEDISA IYO WADANAHA AYAA QIIQ  KA BAXAYAAA ………aad baan kaaga mahad  celinayaa  macaaneey  sidaad  naftayda  u bad baadisay  ….wuxuuna  si kaftan  ah ugu sii raac shay  Raaqiyo  dadka  wax jecel tareen ayaay  isu  dhigaan  , cimaaraad ayaay  iska soo tuuraan way is  gubaan ,wabiga  Niilka ayaay  isku tuuraan , lakiin anigu waxaan ku sigtay inaan baaskeel isu dhigo  ………Raaqiyo aad  ayaay u qososhay  gacantiisa ayaa  soo qabtay  markaas ayaay  mac  sisay  waxaan dhahaday

 la soco  Q 11aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 

 

 

© Copyright 2007. Saafi Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.