|
Cabaar wuxuu sugo safkii dheeraa ee meesha
tilfoonaka laga dirsado ayaa waxaa soo gadhay
farsadii uu sugayaay ee aheed inay Raaqiyo
ismaqlaan ilaahena wayni wuxuu ku hagaajiyaay
Raaqiya waxaanay ka qabtay telkii waxaanu
hadalka ku bilaabay. haduu telku soo dhaco
dhaysoo bax lagudhay dharaar qura aduunyada
hanti aad ka dhaqatiyo haka waayin dharagoo
ilaahay dhantaal iyo kuma tuso dhibaatoo ayaan
dhalad nasiible mid hodan ah hakaa dhigo Raaqiya
oo heestisu aysan ku socon ayaa waxay ku soo
celisay hadalkan kuna dhahaday aboowe waan kaaga
mahad celinyaa telifoon ayaan sugayaa iigu
dhakhso.
Osmaan oo hadalku uu ku xirmay ayaa wuxuu dhahay
abaayo macaaney aad ayaan kuu salaamay miyaad
iloowday inaan ahay Osmaan .miyaadan ogeen inaan
ahay Qofku jecel oo wakhti aad soo wada qaateen.
kaaman istaahilin inaad I dhahdo iigu dhakhso
waa la isugayaa lakiin waxaan ku leeyahay
DUMARBAAD KA TAHAYOO DANBI TAANA KUMA LIHID
waxaan markasta ku xasuusinaya inaan Wakhtigu is
badalin ee Dadku ay is badalaan markasta waxaan
ahay Osmaankagii aad sida fiican u taqaanay ,
Hadalan wuxuu macaan yahay marka uu laabtaada ku
jiro lakiin wuu soo dhaafay afkaaga waxaanan ka
dhadhansaday qaaraar aad qalbigeeyga wax u
yeelay ka soo gudub abaayo macaney
Waxaan caawa kaa rabaa inaan anigu labo 2 kaaga
tago
1..inaan noqono labadii buugta jaceelka lagu
sheegay oo arintoodu aduunka ku baahdo? iyo
2..inaan noqon dad kala hela mirahii jaceelka
kalgaceelna is waydaarsada ?
Raaqiyo way qososhay waliba qosol jees jees ah
waxaanay hadal ku soo celisay Osmaan waxaanay ku
dhahaday Osmaanow
Dadku sheeko way wadaagan waanay kala tagaan mar
hadii aan kala dheeranay maxaan isu sheegayna
aboowe iga raali ahoow waxii ina dhex marayna
iska iloowa waxaana kuu haya walaal tinimo aad u
macaan aan marna dhamaaneen . waxaan ku dhihi
laha aboowe iska iloow waxaan soo maranay
wakhtigiina waan soo qaadany intaas ha ina kala
gaaro.
Osmaan aad ayuu ugu fiirsaday Raaqiya waxaana u
soo baxday Gabadh uu xilgan la hadalayaa inaysan
aheen Raaqiyadiis uu yaqaanay waxaanu Go'aan ku
qaatay inuu telka iska damiyo naftiisana uu
buugkale u furo oo qalbiigiisa dajiya
Waxaanu hadal ku soo koobay heestan calaa calka
ah ee qalbiga jabniyasa waxaanu ku sii nuux
nuuxsay abaayo macaney maalin kale ayaan sugayaa
waxaanad ogaataa in hore loo yiri Daacid ma
hungoowdo waxaanu tiryaay geerarkan iyo heestan
calaa calka ah
Jawigoo markaa ka cakiran Calafnakaa hiishoo
Haduu calanku hooskaaga dhacoo talana kaa ciirto
Markii ciiga kaa tahay hurdadu ka carsha
carshoowdo
Camilxuma daraadeed markaad oonta cuni wayso
Sidii curud lagaa dilaya markaad caday ka
dhuubnato
Cirsanka yeedhku goortuu ka didido cidhif yadaad
joogto
Cawa daranta waa laga tagaa looma ciirsado
Miyaa ciil loo dhintaa
Miyaa cadho lalatagaa
Miyaa camal loo go’aa
Nasteexo miyaa la ceershaa
Miyaa cadow loo jabshaa
Ruuxaad calmatee jecelaatay
Dunida uga caaganaatidi
Nafteeda iyadaan canaadin
Ma inay kugu caasidaa
Waxaanu ku cel celiyaay aduun waa har wareega
waa habeen iyo maalin Raaqiyooy waxaan sugayaa
maalintu ku hor yimaado jaceelkinii macaana
waxaan dhadhamin doontaa jaceelku rafaadkuu
dadka mariyo
Lasoco Q 28aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |