FILIMADA CUSUB l DIINI l COMING SOON l FREE FILMS l DOCUMENTARY l  PROFILE l FREE STUFF

 
 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?.

 

 

Jaceyl Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part
26

Aduun baan wax dhaadine anba dhibaha jiilaal xiliyadan is dhalan rogay dhibtaan kaa ilaashaa dhaxanta iyo abaaraha kaa dhoowray adigoo dhito subag lo’aad iyo ku cabsiiyaay dheeydee yeey dhicin intaan lahaa dhigan wayaay taydee dheeli awgaa igu dhaafay maalmee iga dheeridaa ma dhul gaaxdaybaad tahay mana soo dhawaatide mid aad u dhalataa

Oday Osmaan wuxuu casarkii oo dhan hurdo qalbigiisa gubtay dhex dabaasho waxaa soo toosay habeenkii markii la dhaafay saladii cishe wuxuu hore ka galay xamaamka waxaanu isu diyaariyaay saladii cishe meeshi ayuu saladii isaga bixiyaay waxaanu usoo dhaadhacay dhinaca magalada wuxuu fadhistay meel cafteeri ah cabitaan ayuu ka cabay cabaar markuu fadhiyaay ayaay ku soo dhacaday inoo soo booqdo Manaal wuxuuna soo aday dhanka guriga Manaal nasiib wanaag manaal ayaa ka furtay waxaanay meeshii ku galeen sheeko iska caadi ah waxuu usheegay inuu xalay ismaqleen Raaqiyo waxaanu usheegay inay telfoonka ku damisay cabaar markay wada hadleen manaal aad ayaay uga xumaatay waxaanay ku dhahaday aboowe macaaney waxaad tahay qof wax jecel iska dulqaado waxkasata ayaa kugu imanaya waxaanay ku dhahadya aniga laf ahaanteeyda ayaa rabay inaan lahadlo Raaqiyo shah meesha aya ku cabeen ayaay dhameesteen hore ayaayna iska soo raaceen waxaanay yimadeen netkii laga dirsan jiray telifoonada meeshii ayaay telfoono ku galeen waxanay isla halkii kala hadashay manaal waxaanay ka qabtay telka cabaar ayaa meesha la isku salaamay waxaany Manaal ku cel celisay waxaatahay qof xun wajina malihid abaayo miyaan wiil kula dhalan miyaanad dhali doonin maxaad sidan ugu galaysaa wiilka islaameed ee adiga aduunka kaa doortay maad runta usheegtid hadaanad waxba u heeyn waa nin raga ah wuxuu kaa gaaraa go;aan haduu awoodi wayaay inuu ka helo

 

 

Raaqiyo ayaa u ugu jawaabtay abaayo anigu ma xumeen lakiin hore ayaa loo yiri gabar 1000 kun ayaay shukaan sataa 1 koowna way ka guursataa anigu waan jeclaa lakiin waxaa meeshi yimid qofkii daaha dafane ayaa hortaagan aniga walaaltinimo ayaan uhayaa bes meesha ayaay ku xiran tahay waxaan kaa cosanyaa inaad iga gaarsiiso

Manaal way naxday waanay aamusatay waxaan ku dhahaday abaayo haduu ayuu soo galay netka makuugu dhiibaa waxaanay ku dhahaday abaayo ma arabo inaan la hadalo ee iga gaarsii fariintaas waxaay ku dhaday aniga afkeeygu soo qaban mayo Osmaanoow manaal ayaa fariintan iikaa soo fartay mana laga yaabo inaan dhaho Raaqiyo waykaa tashatay ee ka tasho ee waxay ku fiicneed inaad adigu ku afkaaga uu ka maqlo waxaana kuugula talin lahaa abaayo macaaney RAGA LAMA XUMEEYO EE WAA LA SOO DHAWEEYSTAA waxaanad arki doontaa markale taladeeyda hadii aad is tiri adigu Africa waad ka tagtay nasiibkiisu wuu keeni karaa walaalashay waxaana kuu maleen jiray inaad aad u caqli badan tahay iyada aan iga aheen xumaan waxaad tahay saxibtay waxaana kugu leeyahay canaan iyo talo waxaanad xaqiiqa ah inaadan waligaa heleynin Nin Osmaan kuulamid ah oo siduu kuu jecel yahay kuu jecel ee dib isugu noqo walaashay hadaad tahay

Raaqiyo aad ayaay u qososhay iyadoo si jees jees ah u hadalaysa ayay ku dhahaday abaayo aniga waan aqaan Osmaan iyo nin somaliyeed jaceelkiisu waa ayaamo iyo xiiso markaa anigu waxaan ku qanac sanahay sidan inaan ka harno aniga ayaan afkayga uga sheegayo inaan walaaltinmo meeyee wax kale u heen haduu kuu dhow yahana waad iigu waci kartaa hada ayaanba iska soo gab gabeeynayaa

Manaal ayaa dhahay waa caadi hadii aad go’aan satay caafimaadkaagu siduu ku jiro adaga ayaa iga yaqaan abaayo xumaana ha iiga arkin adiga ayaan kula jiray ilaaminkaad Osmaan is barteen adiga madaxaaga ayaan ku bartay waxaan ku xasuusina inuu Osmaan qof fiican oo duntiisu nadiiftahay aadna uu kuu jecel yahay abaayo

Osmaana isaga ayaa ayaa ku soo wici doonta wana kaa sii tagay abaayo sidii ayaay telfoon ku damisaya osmaan wuu wad qaatay waxaanu arkay inay xaaladu is badashay waxaanu islameeshii ku qaatay go’aan inuu Waco oo runta iyo xaqiiqada dhagahisa ku qaato caawa waxaanu Manaal cadey ku dhahay abaayo aad ayaankaaga mahad celinaya sidaad ula hadashay Raaqiyo iyo taageeranimadaada aad ii hayso cadeey walaahay abaayo macaaney waxaan kuugu abaal gudo ayaan aqoonba hadana ina mari xaafada ku geeye abaayo ok ayaay ku dhahaday waxaanu meesha ku dhiibay lacagtii ay ku hadashay in xooga net uu fadhiyaay isagu waxaanu Manaal ku dhahaday aboowe macaanoow walaahay waxaan kuu sheega inay Raaqiyo is badashay waa dhib malahan aboowe waa aduunyo waxkasta waa is badaleen waxaan kaa raali galinaya dhibka aad jaceelka ka soo martay ,

Osmaan aad ayuu u dhoola cadeeyey waxaanu ku dhahay abaayo macaaney dhib malahan aniga wali shabaab ayaan ahay wakhtiguna waa dhiman yahay calafukuna waa halkiisa adiga ayaa iga mudan inaan kaa raali galiyo intaad ila dadaashay waxana hore ka soo gaaray gurigeedii Manaal meesha ayaa la isku maca salaameeyey waxaanu ku dhahay abaayo macaaney waan wacaa waxii aan kala soo kulman waan kuula imanaya abaayo raalina iga ahoow Cadeey waana kaaga mahad celinaya sidaad ila dadaashay abayao qaali waxaana kaa sii tagaa habeen wanaagsan

Hadab Osmaan muxuu kala hortagay Raaqiyo? ileen qishkeeda dhan wuu hayaaye waxaanu sifiican uga dharag san yahay waxay damac santahay oo dhan?

La soco 27aad

 

------------------------------------------------------------

W.D: C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}

 

E-Mail:-koyla571@hotmail.com 

-------------------------------------------

 
 

Isku dar liiska Saafi Films

si aad u ogaato marwalba

wixii ugu dambeeyay ee

nagu soo kordhay 

      

 

 

 
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
   

 

                                           © Copyright 2003-2009. Saafi Films Company L.T.D     Design by Jibriil Mohamed J.