Osmaan wuu
aamusay xoogaa waxaanu hadalkii ku soo
celiyeey Raaqiyo waxaanu dhahay abaayo
macaaney aniga iyo adiga bilooyin ayaan is
moogeen waxaa is badal wax yar maahan lakiin
waxaan kuu sheegaa hore ayaa loo dhahaya
NABSI LAMA DUGAASHADO ISAGOO DABADAHAAS
YAALE DUKAAN LAGAMA IIBSADO SIDII SHEY
MARKAA DIHINE WAA LAGA DANBEYAA INTAANU
DAAQAD KAA RIDIN intaasi markay afkiisa ka
soo yeertay ayaay ilintu is qabsatay Raaqiyo
waana la isla aamusay mudo 10 daqiiqo ku
dhawaad ah waxaanu u sii raacayay anigu
manta aawada ayaan waxaan u galaay jeel
anigoo horu markeena raadinaya waxaana kaa
sugaayay kalgaceelka aan kuu qabo iyo
xiisaha aan kuu haayaay mida ka ween inaad
ii hayso lakiin nasiib daro waxaan ku dhacay
meel cid la ah wuxuuna soo qaatay xigmadan
Ayaantii
horeeyto waa la ‘ogaa sidaan isku aheene
Ayaamo
dabadeena waa la arkaa sidaan ukala
irdoowanay
Ilanta iga
socotaa waa erayaadeede
Ma ilaa
wikarayo macaan aragtidadee
Ha igu
ridin hogdheer aanan ka soo laban Karin iyo
qaarkaloo badan
Waxaan kaa
codsanayaa inaad naftaydu adiga ayaa ku
jamatay inaad Ii bad baadiso kalgacelkeena,
intaas markuu dhahay Raaqiyo ilin ayaay meel
la fadhiisatay waxaanay noqotay mid aan u
adkeeysan Karin Erayada aad ka qalbiga uga
dhex baxaaya Ee ka soo Yeeraya Afkiisa iyo
dabeeysha aadka u qaboow ee laabteedda
maraysa waxaana iska damisay tifoonkii iyada
oo aan ku dhihin waan baxaya,
Osmaan
wuxuu ku warhelay telka oo is jaray waxaanu
bilaabay inuu ku celiyo lakiin nasiib uma
yeelan inay ka qabto waxaan ka hor yimid
cajel oo ka qabtay waxaa Osmaan islamarkii
uu ku soo dhacday qalbigisuna ku soo celiyey
inaysan meesha waxba u oolin laakin hore
ayaa loo dhahay naf wax jecel ma quusato
cabaar ayuu mesha sii fadhiyaay kadib wuu
iska kacay waxaanu dhiibay lacagti telka uu
ku hadalay waxaanu isaga sii luuday dhanka
gurigiisa isagoo meesha ka sii mariyaay
geeraar aad u qiiro badan oo qofkasaa
qalbigiisa wax yeelaynaya waxaanu dhahay
Rakiyadan
jecladay igu beertay cashaqa
boga &
wadnaha & beerka iga talay
bahida
kalgacalkiyo boloh yoowga
aan qabo
nafta kugu basastoo bog
san wayay
oowgaa, adiguna baraariyo
barwaqa
lajiifta ana buugta cashaqa
waxan ahay
basteeyo barkin tan dul aala
.
Rakiyeey
adunyada intan baqi noolahay
qalbiga
kama baxeesidee waxa tahay
barkeeygee
barigii aan kulaniyo barashad
taxgiliyo
balantii dhaxdeeniyo wacadkii ha
bal marin
adiguna barariyo barwaqa la jiifta
ana buugta
cashaqa waxan ahay basteeyo
barkintan
dul aalaa
aad ayuu u
qiiraysana qalbigiisan heestan xigmadeeysan
ayaa ka baxaysay waxaanu iska dul tagay
sariirtiisa isagoo naftiisa ku raali
galinaya Raaqiyo way ku jeceshahay wali
waanad heli maalin ale yiraahdo , habeenkii
muu seexan sidii ayuu waagu ugu baryaay
waxaanu iska bixiyaay salaadii subax meesha
ayuu ku duceeysatay kadib wuu iska sii koray
sariirtiisa jaceelka .waxaanu hore ka galay
riyadiisa aadka u macaaneed ee naftiisa uu
ku qancinayaay waxaana sidii lagu gaaray
salaadii duhur oo lagu dul adimay waxaanu
ukacay salaadii duhur masaajidka oo xooga u
jira ayuu iska dagtay waxaanu ku soo laabtay
gurigiisa waxaanu meeshi ku cunay raashin ay
Gabadh uu abti u yahay u diyaarisay oo
qadadaii ah mesha ayuu ku cunay raashinkii
waxaanu dib ugu laabtay sariirtii waxaan u
timid hurdo aad u naxadin badan Oday Osmaan
meesha waxaa hadheeysay Riyo aad u naxdi
badan oo ka kicisay hurdadiid uu ku dhex
jiray hadab toloow maxay noqon doontaa
riyadu soo weerartay ?
Maxay noqon
doonta riyadu halkee ayaay lamaray ?
Lasoco Q
26aad