|
Osmaan wuu ka soo kacay
telfoonka waxaanu usoo dhaqaaqay dhinaca Manaal
gurigeeda waxaana ka furtay Manaal , goobtii
ayuu fadhiisatay waxaanay ku dhahaday Osmaan ma
heshay Raaqiyo cabaar ayaa aamusay sida cadiga
aheed waxaanu ugu jawabaay xikmada aadka
umacaanka badan
Waa masiibo jaceelku
Ruuxba maalin utaale
Miyirkeeyga iyo mankaanka
Sidii ay ula meertay
Waan maqnaani kareeyne
Magool lamoodii meedey
Meedey meedey maarimi
Waayee meeday meeday
Mahadha weeye meeday
Inkastoo aan ka maleesto
Iska maanac idhaahdo
Mooye meeley ihayse
Waxaanu baa idhex maraaye
Meelaan joogaba mooye
Magool lamoodii meeday
Meedey meeday meeday
Mahadho weeye meeday
Intaas markay afkiisa ka soo yeedhay Manaal way
iska dareentay inuu soo waayaay telifoonkuu
dirsanayay manaal way iska ag fadhiisatay iyadoo
aad uga fakaraysa waxay
sameeyso waxaanay ku dhahday aboowe macaaney waa
iska aduunyo waxii karaankeeyga ah makaa
hagranaayo waan kula qabaanayaa waxaana kaa
balan qaadaya inaan raaqiyo kula
hadal siiyo gooray noqotoba waxaanu aad ugu
socday hadalka Manaal ay ku leedahay waxaanu ku
dhahay abaayo adiga waxaad I dhahdo maan diidi
karaa waxaanu iska naaray
sheeydaanka waxaay u gashay sheeko waxaanay ku
dhahaday aboowe aduunka
Qof kaastaa wuxuu leeyahay jaanis aboowe haduu
jaanis kuugu hadhay Raaqiyo aad calaf ku
leedahay waad heleysaa lakiin inaad sedan dhan
isu murjiso waa laga fiican yahay
naftana ha ciqaabin maadama aysan Raaqiyo kula
joogin waxaana kuu sheega hadaad dadaasho waa
helee waxaad ilaahay ka tuugto
Waxaana kaa balan qaadaya intii tamar teyda ah
inaan ku sacido oo ku garab taagnaado waxaan kaa
codsanaya inaad niyada khar u sheegto , Osmaan
aad ayuu ugu farxay
hadalka ka so yeedhay walashi qaaliga ah ee
manaal waxaanu ku dhahay abaayo adiga waxaan
kuugu abaal gudo ma aqaan ,cabaar ayaa la isla
aamusay Manaal ayaa waydiisa?y
Osmaan aboowe macaaney miyaadan heeyn MSN ka
Raaqiyo ? Osmaan ayaa dhoolo cadeeyey abaayo
Maya lakiin hadaad dhib malaahan hadii ilaahay
ka dhigo bari ayaan
fiirninayna ayuu ku dhahay waxaanu ku dhuhay
abaayo macaaney waan iska hurdo tagaaya waayo
hada waxay ku dhoowdahay 2:00 habeenimo markaa
khayr ayaan kuu dhaafay aadna
waad u mahadsantahay walaashay qaali habeen
danbe ayaan kuu imanaya ayuu ku dhahay waxaanu
gashtay kabahii waxaanu Manaal qamaar ayaay hore
ka soo qadatay waxaana u
soo baxeen banaanka oo hawo macaan badani ka
socoto cabaar ayaay meesha isla tagtay waxaanay
ku dhahaday aboowe xiligina waa la helayaa
Canada iyo mareeykanba ina
fiirinee way isa soo raaceen waxaanay
fadhiisteen waxaanu hore ka garacay telkii
Raaqiyo waxaa ka qabtay gabadha wuu salaamay
waxaanu hore ka waydiidayaay Raaqiyo ,
Gabadhii tifoonka ayaay kala dhigtay waxaanay u
yeedhay Raaqiyo meesha ayuu ku salaamay aad ayuu
ufarxay lakiin Raaqiyo hadal isaga raali galinay
kumay dhihin waxaana
mesha la isku waydeersaday Goorma ayaad qaahiro
ku soo labtay iyo maxaa laguu wayaay ,
Osmaan wuu is celin wayaay waxaan u galaay
taariikhdii dheereed uu soo maray iyo rafaadkii
uu la soo kulmaya wuxuu kale u sheegay inuu hada
qaahiro 3maalin joogo 3
sadexda maaliba uu iyada raadinayaay tifoonkan
uu usoo maray rafaad dheer hadan uu gacamaha oo
furan iyo qalbiga oo furan uu jaceel hagar
la'aan ah u sido
waxaanu Osmaan u dhashay maskax furnaan waxaanu
hadalka Raaqiyo ka dareemayaay inaysan waxba u
heeyn oo jaceelkoodiii barigii uu ka meeyrmay
Wuxuu ku dhahay haye Raaqiyo anigu adig qof aan
ku siisanayo malahan adiga dartaa waxaan u maray
ilaahay ayuun baa ug abaayo macaan adigana hada
waxaan ka dareemaya
waji kale ayaan iiga kaa muuqda farxad ayaan kaa
sugayaay lakiin meesha I damqanaysa adigu ma
dereemi kartid
Hal suaal ayaan kaa rabaa inan ku waydiiyo
abaayo macaaney ?
Maxaaad ii haysaa aan cawa kaaga tagaa ?
Jaceelkeenii maxaa is badalay ?
Miyadan hadalkeeyga dareemayn sida aan anigu kuu
adareemay Qalbigaaga ?
Jaceelkeenu Ma aniguu iguu iga bilaabamay hadana
igu dhamaanaya?
Isheeg waxaad damac santahay abaayo macaney?
Maxay ku jawaabi doontaa Raaqiyo ? Halkeeyse ku
quban doontaa ilanta ka socota Osmaan Diicey ?
La soco Q 25aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |