|
Jaceyl
Dhawac Galay Maxaa Lagu Dhabiibaa?
Part
23
Waxaay
sheekadeenu inoo maraysay saaxiibadayda la socday sheekadana
osmaan maka maarmi doonaa canab iyo walaasheed ? waxaay
jidka ku kulmeen walaashisa qaaliga si kal iyo laaba ahna
isu salaameen kadib osmaan wuxuu dareemay inuu Manaal uu la
taagan yahay wado lasoc >>>>>>
Osmaan wuu xishooday waxaanu ku dhahay abaayo macaaney waan
kuu baahnaaba, lakiin tifloon ayaan halkan ka soo dirsanaa
dabadda ah , markaa soo dhameeysto Abaayo macaaney waan kuu
soo noqonayaa , ok waan ku sugaa ayaay ku dhahaday Manaal ,Osmaan
wuu baxay wuxuu tagay meel internet ah oo tifoonada laga
diro wuxuu soo dirsaday tifoonkiisa waxaanu dib ugu soo
laabtay Xaafadii Manaal ay ku joogtay hadaba haleekey
islamareen Manaal iyo Osmaan ?Osmaan maka maarmidoon Canab
oo walaasheed waji gabax tahay?
|
|
Wuxuu sameeyo
ayuu aqoon wayaay wuu iska hooyday habeenkii
isagoo madaxu xanuunayo wuxuu la jiiftay
tiiranyo jaceel iyo murug horle wuxuu soo kacay
subaxii xilgiisa caadiga aheed waxaanu usoo
kictamay guriga ay Canab joogtay, wuxuu suaalo
is waydiiyo wuxuu istaagay gurigii Canab,
waxaanay ka furtay albaabka wuu salaamay Canab
waxaanu islamarkiiba uu waydiyaay inay u heshay
nabarkii Raaqiyo ,waxaanay Canab ku dhahaday
walaal soo dhaaf anigaa warkuu hayee waxaanay
cabaar kadi Canab ushegtay in nabarka ay hayso
walaasheed ka ween ,wuu aamusay waxanu ku dhahay
walaal waad mahad santahay, isga isii hadaan ka
helaayo Raaqiyo waxaanay ku dhahaday wax yar
isug, guriga ayaay gashay waxaanay ku soo
noqotay iyadoo aan waxba u sidin, waxay uga
bilaawaday walaal Osmaan waan ka xumahay kuma
siinkaro amar xaga sare ka yimid iyo duuruf
ihaysata awgeed, wuu aamusay intuusan la had lin
waxaa guriga ka soo baxaday gadhii ladhalatay
Canab oo wajigeeda ka muuqato isla weeyni Osmaan
hore ayuu ka istaagay
Wuxuun ugu jawabay walaal Canab waad mahad
santahay ,waanu iska kacay waxuu afka saray
gurigii ay joogtay Boqoradii heenku waa Manaale
waxuu sii luudo wuxuu istaagay albaabka isagoo
wajigiisa ay ka muuqto tiiranyo aan la qiyaasi
Karin waxaana ka furtay walaashisa qaaliga ah
waa Manaale waxaay argtay Osmaan oo mad luun ah
waxaanay ku dhahaday aboowe macaney soo dhaf bal
maxaa kugu dhacay cabaar ayuu aamusay waxaanu ku
jawaabay heestan qofkasata qalbigiisa ruxaysa
waxaanu dhahay
Nin jaceel wareemayoo
Waagii guduutaba
Wayeey tuu jaclaayoo
dadka waydiiyabaan ahay
Qofkii aan wareeystaba
Aniguun I walaashaa
Wali igu tilmaam
Walwal igu abuuraa
Aniguna warkoodii
Wacdi uma dhagtagoo
Wabiyada dulhaamiyo
Shinbiraahan wareestaa
Ala waayeey walbahaareey
Murugtiisa caashaqa
Yaan ka weheshaadaa
Intaa murkay afkiisa ka soo yedhay Manaal ilin
ayaa isku soo taagtay way is celin waysay mudo
daqiiqada ah ayaay ilintu ka qubanaysay Osmaan
xiligaas wuxuu ahaa qof hawada kama qan ,cabaar
ayaay ag fadhiday waxaanay ku dhaday Osmaan
aboowe macaanoow aniga ayaa wax kasta oo qaladan
kula saxaya ee isug wuu iska aamusa ilanta ayaa
gudaha ugu qubtay Osmaan cabaar kadib Manaal
waxaay u keentay cabitaan waxaanay ku dhahday
aboowe macaanow ma arki karo indhahagan qurxoon
oo ilin ka qubanayso aniga qalbiga ha iga gubin
Osmaan wuu is dajiyaay shaydanka ayuu iska
naaray , waxaanu ku dhahay abaayo macaaney anigu
nasiib uma lahi jaceelka Raaqiyo ilaa maalinkaan
bartay waxaan dhex dabalanaya murug jaceel oo
aniga dhan iga dhigtay qof maqane jooga ah ee
abaayo cawa waxaan ku caafimaadi lahaa iyadoo
horteeda iyo hareertayda joogta , Manaal waxay
ku dhahaday aboowe aniga ayaay isoo wacaday
markay baxaday kadib waxaan hayaa telka
gurigooda cawa ayaan kula hadal sinaya waxba
niyada ha iska jabin ,
Osmaan waxaa ka soo fuqday neefta waxaanu ku
dhahay Manaaleey waxaad tahay qof bini
aadanimada wax ka taqaana, abaayo macaaneye
waxaan kuugu abaal gudo ma aqaan , abaayo
aduunka kuma arkaayo qof sedan qofkale u caawisa
walashay qaali ayaad tahay , hada maxaad haysaa
maad ina marisid aad telifoonka ila dirttide ,
waxaanay ku dhahaday aboowe aniga hoowl ayaa ii
tala ee waxaan ku siinaya nabarkeey ii qortay ee
wac adigu waxaad kala soo kulanta ila soo socod
,
Ok ayuu Osmaan ku dhahay Manaal, oday Osmaan wuu
is badalay waxaana ka muuqtay farxad iyo reey
reen intay telka siinaysay ayuu usheegay inuu
soo maray gurigii ay dagaan jirtay Raaqiyo , way
ku qososhay waxaanay dhahaday aboowe macaane
maxaad ka doontay maad aniga ii timaadid, wuu
aamusay waxaanu ku dhahay abaayo qaali ILEEN
TALO ISMA KAA SHEGTO, abaayo hadaan kuu sheego
waxaan kala soo kulmey gurigaas waad yabi laheed
, waxaa jooga laba Gabdhood oo midna bini aadam
qaaliya tahay ,midna ay tahay Qof aad ay uga
muuqato xumaanta iyo isla weeynida ,
Manaal aad ayaa u qososhay maxay kugu sameeyan
ayaay dhahaday, wuxuu usheegay dhibka uu kala
soo kulmay , waxaay dhahaday aboowe osmaan dadku
isku mid maahan labadda gabdhood waa walaalo
markaa UUR HOOYO AYAA EEXO LAGU BARTAA ,iska
iloow dadkaas nabarkan qoro waxaanay u
xariiqaday nabarkii ay Raaqiyo laheed ,waanu soo
kacay hoos ayaay keentay waxaanay ku dhahaday
waan ku sugaa waxaad kala soo kulanto
Oday Osmaan wuu isa sii daayay waxaan tagay meel
tilifoonada bugta ah laga dirsado saf ayuu galay
cabaar kadib wuxuu galiyaay telkii raaqiyo
Hadab maxuu kala kulmay Osmaan Raaqiyo markuu
telfoonka u diray
La soco Q 24aad
------------------------------------------------------------
W.D:
C/NAASIR AXMED QEYRE.{ABTIGA}
E-Mail:-koyla571@hotmail.com
------------------------------------------- |